Siyaaasadda Kulmiye ee Shilinka i Tus

Sannad ayaa laga joogaa markii dawladda Somaliland (SL) ay madaarka Hargeysa ku soo rogtay in dadku passport kelita kaga dhoofi karaan marka ay u socdaan Xamar. Haddaba Shalay – 14/04/2019 – ayey ka noqotay arrinkaas. Talow, maxaa marka horeba kalifay?
Marka hore ba, siyaasadda ka dambaysay in lagu soo rogo qofka ka dhoofaya madaarka Hargeysa ee u socdaalaya Xamar waxay ahayd in la  muujiyo:
1. In SL tahay dal ka madaxbanaan Xamar;
2. Madaarka Hargeysa ahayn mid maxali ah ee uu yahay madaar caalami ah;
3. Shacabka SL na muwaadiniin ka ahayn Somalia;
4. Sidoo kale shacabka Somalia ku yihiin Hargeysa ajenabi.
Laakiin ka noqoshada siyaasaddaa xagjirka ahi ee farta waaweyn lagu qoray, waxay qiraysaa in SL tahay lidka inta kor lagu sheegay oodhan ba. Waxa caddaatay in labada shacab yihiin dad isku mid ah oo aan la kala dhambali karin
Sababta looga noqday waa dakhligii madaarka oo hoos u dhacay,  ka dib markiu dhoofayaashu ku qulquleen madaarka Garoowe.
Waxa kale oo taasi qiraysaa in dawladda SL shillinku hago ee ay mabaadi’hor Alle ka joogto. Siyaasadda Kylmiye waa shillinka i tus anaa garan marinka aan u maree. Subxanallah.
Maxamuud Cabdillahi Axmed, London, UK.