Haday Ribatoo Ruugagu Murxeen ( Abdi-Shotaly),

Haday Ribatoo Ruugagu Murxeen ( Abdi-Shotaly),

Raaf-dilaac iyo raxanreeb bay, ror-rog-taayoo, rafad u dhamaa, riyo beenay u riyaaq-daa, misna been bay raabsa-taayoo, reerku ma degena, qooba ma rogtoo, hadaba rubud go’a, rarkii daadisay, oo rafaad bay la rig-leedahay, runtii laga guur, waxan raad iyo raandhiis-ba lahayn, raadis u gashaa, dad la kala raro, risiq la xadayio, rayi xumaddii, daba roortoo buurta raar-teed, iska soo riday, rucle ka dhamaa, lugta raran iyo cadaab ruubtoo, ruux-na kama naxo, haday ribatoo, ruugagu murxeen. Waxan uga socdo aan kuu fasilee askartii way ku foorataa gantaashu, Horaa loo yidhi Doqoni xadhiga lagu xidhaayo, bay xagla-heedda ku doona-taaye, kuwani iyaka baa mididdii lagu gawra-caayey sita, oo meel kale in wax looga doono umaba baahna, xaalku wuu ku fashilan yahay, tallo faraha ka haaday, qabyana waa hal-keeddii, wax ku hadhay oo dambe ma jiraan, Somaliland wixii la odhan jirey-na waxa ugu dambeeyey, intii aanu bukoon Madax/weyne Siilaanyo ( Ilaah Caafimaad ha siiyee), Xanuuka hayaa waa fal uu u qabtay Askariga saalax-wareersani, ee madaxa ka jirani siddii idihii dhukanaa, ee dhan uun wax ka maqli jirey, reer hebel uun uu yahay hami iyo qami-giisu, dal iyo dad mid-na aan dan ka lahayni.

Ujeedo iyo haatan waxan maanta u soo qalin qaatay, in aan is weydiino su’aasha ah ” Muxuu Geenyo Shaaximani ka doonay Gar-adag?” Ilayn muu tegin markii shan cisho horteed, ay askarta la dilay lix jeer u qaylo dirteen, ee ku ay yidhaaheen, Waa nala hayaa ee gurmad ha naloo soo diro? kolkay nabad raadintu joogtay, ee aanay wax-ba dhicin, la lahaa kaalay wax ka qabo, waa kii Geenyo ka fureystay Dhegaha, indhaha-na ka xidhay, ee yidhi ka loo yeedhayaa aniga maaha. Wuxuu markaa qaban waayey ee uu ka badheedhay, maanra ka socon mayso marmar-siiyo iyo kiis iska waal, ee uu balaayadda loogu baaqaayo in ay jirto uu u baajin waayey? Ma hadda oo laba nafood ku go’een buu nacasnima-diisa, sheeko rakhiis ah uu rabaain uu ku daweeyo, waakan ka nac-nac leh hadeer gar-adage, isagoo isku sheegaaya in uu yahay, Wasiirkii gudaha ee maamulka jeegaanta, Saw maaha dameertu geela ha iga didisee, weliba way ii qururuf leedahay? Isaga baa ugu tallo galay sidatan, oo ah in la dilo labadda askari ee Samaroon, sababta oo ah waxay ka talin jireen cadaalad iyo sinaan, oo way u xaq-soori jireen ummadda, isna taas baanu ogolayn oo aanu rabin. ilayn dani uguma jirtee. Wuxu doonayey qaar ka soo jeedda maamulka jeegaanta, oo beelaha meesha wadda degan isku sii fidmaaya, waxana ka dambeeya arinta Been Madaw ( Waa caada-qaataha aad u taqaanaan Buur madawe).

Waxa Kaloo la yaab leh, waxa gobolka dhan loogu soo rogayin la kala xidho, wax ay ku sheegeen Bandoo, waa talaaboo-yinkii keliggii taliye lagu yaqaanay iyo edeb daraddii maamul askareed, Bal is waydii oo mudo afar sanadood ah baa Ceel-af-weyn dagaal ka socday, uu ka dambeeyey isaga laf-tiisu ( Waa Geenyo Shaaximane iyo been madawe), ee maxaa loogu soo rogi waayey Bandooga, ee ay hadda askartu la bacaac leeyihiin. waa taladdii ay goos-teene, taas oo ah in la dilo wixii cadaalad ka taliya, aan si kooban kuu siiyo’e, waxay tahay arintu akhristaw ” Bandooga hadeer la sheegaayo, waa mid in gaar ah lagu ilaalinayaa”, Afartii sanee hore iyana waxa la doonaayey, in dad gaar ah lagaga raro aagaas, maxaa markaa loogu soo rogi waayey, ilayn waad ogayd oo waatii tuulooyin dhan cagata la mariyey ee la masaxaye, oo wax aanay yuhuudu ku kicin ama samaynin lagula kacay, waa tii Masaajidaddii laga burburiyeye. marka aad taariikh-dda dib u jaleecdo, mudadda intaas le’eg, may jirin ilaalinta imika la leeyahay wax baanu ka qabanaynaa, waa riyo neefaaq iyo in lagu dejiyo Samaroon, cid la soo qabna-yaana ma jirto, ee waa dambabas iyo raad gadasho, is tus iyo  marmar-siiyo, Ugu dambayn waa in askari waliba uu diido gobol kale in loo diro, ilayn dawladi ma jirto, ee wa isu hoos gelin aanay wax-ba ka jirine. cirka ha isku shareerto, oo ciddii wax ku qabtay-ba haku waydo, bal cidda ay caano ka daataan,.

* N.B Tallo Xumaa Tahan Kaa Tuurta!
Qore:- Abdi-shotaly.