Jawaab celin: Been Abuurka Laga faafiyay Beesha ISAXAAQ CARRE UK. W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Jawaab celin: Been Abuurka Laga faafiyay Beesha ISAXAAQ CARRE UK. W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Dhamaam mahadi siday u dhan tahay waxaa iska leh ILAHAY ,sharaf iyo karaamana waxa ay agtiisa ahaatay Nabigeenii Muxamad SCW,wanaag oo dhanna waxa uu kusoo hoobtay korkiisa qofka jidkiisa raacay.

In-dhawaalaba waxa uu shirar isdaba joog ahi ay uga socdoon dibada qurba joogta Isaxaaq Carre ee ku kala nool Aduunyada dacaladeeda kala fog,taasi oo ay beeshu kaga arinsanaysay sidii horumar la taaban karo uga gaadhi lahayd arimaha ay ka midka yihiin ,Waxbarashada,Biyaha,Deegaanka iyo isku xidhnaanta Beesha gudo iyo dibadba,iyada oo shirarkaasi uu haldoor ka ahaa hogaankiisa Suldaan Yusuf Muxumad Xiiray.

Qoraalkani waxa uu jawaab celin u yahay qoraal aanu qoraaga qoray ka fiirsan kana xayuubiyay milgihii iyo sharaftii qoraa nimo. Waana qoraalka ku taarikhaysan “Qaran News | 11:03 pm 14th May, 2019” isla markaana sida ka muuqata sharciga iyo astaanta qoraalka uu gacantiisa ku qoray Tafatariha ama Mulkiilaha Shabakada Qarannews Maxamed Cusmaan Jaamac (Maxamed-Qaran) kaasi oo gaf iyo been abuur Buuraha ka wayn u gaystay kulana kacay Qabiilka iyo Beesha uu kasoo jeedo ee ISAXAAQ CARRE UK.

Inta aanan guda galin faahfaahinta iyo Foolxumada ka muuqata Warka been abuurka ah ee uu ka Qoray Beesha Wayn ee sharafta iyo karaamada ku leh Somaliland ee Isaxaaq Carre ,bal aan wax yar iftiimiyo hanaanka iyo habdhaqanka looga baahan yahay qofka Qoraaga ah.

Hadii aad tahay qoraa ama Qalin maal waaxaa waajib ay dadku kuugu leeyihiin in aad markasta adeegsato waxyabaha sharafta iyo karaamada dadka ilaalinaaya isla markana aan ahayn kuwo ku qotomo kala kaxaynta iyo fidna ka dhex abuurka dadka walaalaha ah iyada oo walibana lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Ujeedada Qoraalkayga:

Qoraalkaygu maaha mid aan shakhsiyadiisa iyo sharaftiisa aan wax kaga sheegaayo Saxiibkay, Inadeerkay Suxufi Maxamae-Qaran,balse waa qoraal iyo Qalin aan ku beenaynaayo waxyabaha Been abuurka ah ee uu Maxamed ku qoray Shabakadiisa intaasi looga hanwaynaa.

Qarannews ama Maxamed Cusmaan Jaamac sida aan kor kusoo xusay waxa uu qoraaladiisii soo baxay xiliga aan soo sheegay ee kor ku taariikhaysan ,waxa uu ku sheegay in Beesha Isaxaaq Carre gaar ahaan Jaaliyada Reerka ee deegaanka ku ah dalka Ingiriiska in ay qaban qaabinayaan isla markaana ay holinayaan sidii ay u samayn lahayeen shabakad iyo urur isku xidhan oo Qadhaan wadareed ugu deeqa ama u ururiya Askariga ka falaagoobay Somaliland ee CAARE.

Qarannews hadii aan si xeel dheer u guda galo qoraalkiisa oo ay dhici karto in aanu Maxamad-Qaran ka fikirin caawaaqibka ay ku keeni karto Shabakadiisa iyo dadka soo booqdaa sida ay u arki karaan; ayaa waxa uu qoraalkiisaasi koobsanayaa qodobo gaf iyo been abuur ku ah Beesha Isaxaaq Carre.

Waxaana ka mida qaab qoraalkiisa:

1. Waxa uu sheegay in ay jirto shir ay ku kala jabeen Aqoonyahanka,odayaasha iyo dhamaan waxgaradka beesha Isaxaaq Carre ee degan dalka Ingiriiska taasi oo haba-yaratee aanay jirin goob iyo goor ay kala jabeen ay yihiina dad isku duuban oo Ul iyo diirkeed ah.

2. Waxa kaloo qoraalkiisa ka muuqday Saxiibkay Maxamed-Qaran ,in shirarkaasi ay beeshu ayaha iyo horomarkeeda ay kaga tashanaysay uu ku been abuurtay isaga oo ku sheegay shir fadqalalo iyo fidno hor-leh lagaga abuuraayey Somaliland gaar ahaan Hargaysa iyo Barigeeda; Taasi oo aanu leenahay Maxamaed Cusmaanoow waa Bil Ramadaan ma fiicna in Qoraalkaagu uu noqdo fidno iyo warxumo-tashiil.Beesha Isaxaaq Carrana waa beeshii horseedka iyo u hiilinta Somaliland koobka qaaday xiligii colaadii sokeeye ee 1994.

3.Yaab iyo amakaag kulaha Saxiibkay ama Inadeerkay Suxufi Maxamaed-Qaran Shirkaa waxaa layskaga horkeenaayey #heeeee bal nooooooo waran maxamadoooooow “”Isaxaaq Carre iyo Madaxwayne Muuse Biixi.

***KAFTAN.COM Waxyar iga raali ahaw Saxiib Qaaliya:

Maxamaed Cusmaan Saxiib Muuse Biixi Cabdi Isaxaaq Carre waxa uu u yaqaan Madaxwaynahii Qaranka Somaliland,Mujaahid usoo Halgamay Dalkan iyo Dadkan,ma jirto mana dhici karto Caqliga iyo aqoonta aqoonyahanka Isaxaaq Carre ee UK-na maaha mid ku fikiraaya waxaas iyo wax u dhawtoona.

4.La-jiifiyaana banaan kulahaa Inadeerkay “Waxaa shirka gadhwadeenka ah **hada waxaan idiinwadaa waa hadalkisii “”Kuwo Somaliland xil kasoo waayay iyo kuwo ku xidhan dawlada Farmaajo””yaa salaaam lakiin Maxamed muu carabaabin.Waxaanu ka codsanaynaa in uu bal dadka usoo bandhigo hadiiba ay jiraan,u malaynmaayo in ay jiraane ilayn waxa aan ogahay Haanta Gunteedii .””Maxamed-Qaran Inadeer Qalinka iyo Warqada inta aadan isu qaadin wax hubso waan kugu ogaa wax hubsashada’e.Yaa-Wuduud.

5.Waxaan soooooo walwaalay qoralkii Maxamed bal ila akhriya khatarta ku jirta ma ila aragtaan yaabnaye ma yaabteen “””Shirkani oo loo qoondeeyay in uu dhaco maalinta15/6/2019 waxa uu ka qabsoomayaa magaalada Birmingham gaar ahaan. AMOORE HALL, 37 WHITMORE ROAD, B10 ONR.”””

Maxamed waxa uu tilmaan la taaban karo ka bixiyey Hoyga sharka lagu qabandoono,wadada uu ku yaalo iyo dhamaan taariikhda iyo saacada la qabandoono,anigu waxaan u fahmay in Maxamaed Cusmaan Saxiibkay uu ku tala galay in Hoolkaa ay ku shirayaan Isaxaaq Carre uu kusoo hogaamiyo dhamaan dadka reer Somaliland ee xalaal miiradka ah kana soo horjeeda tafaraaruqa iyo Somaliland faquuqa.

Waxa kaloo aan is odhan karaa malahayga malaha hadana Maxamaed kamuu fikirina in dadka shirkaa isugu yimaada dhibaato loo gaysto,waxaanan taasi ku cadaynayaa Maxamaed kumuu eekaan oo kaliya shirka iyo ujeedada loo qabanaayo balse waxa uu farta iyo Ishaba ku fiiqay halka iyo xarunta shirku ka dhacaayo.Taloow yaa masuul ka ah iminka,hadhaw iyo hadeerba haday dadkaasi wax soo gaadhaan .Maxamed Saxiiiiiiiib qoraalkaga gacantu yay qorin waa in uu Caqligu qoraa ,waan kugu ogahay fahmo iyo fikir fiican.

6. Qoraalkan kalena waxaa sidan u qoray waxna u tilmaamay waa Maxamed-Qaran “”””””Dadka qurba jooga ah ee siiba u badan dumarka Iyo dhalinyarada shirka lagu Marti qaaday we waliba aan la siinin agenda-ha shirku in ay ka foojignaadaan dabinada guracan we dalkooda Iyo magaaladooda caasimada ah qaybaha ay ka degaan lagu khalkhalinaayo””””

Saxiibkayga qaaliga Maxamaed waxa uu qoraalkan ku xusay in dadka shirka kasoo qayb galaaya aan lasiin” Agenda macnaha looma sheekin waxa laga shiraayo.Taasi Xaaji ma jirto halkaa iska hubso Maxamed saxiib.

7.Tani waa daabacaad kale oo Saxiibkay uu leyahay iga hadhan waxaan marag lahayne,yaan hadhaw lays xaman ka fiirso inta aadan falin waa Maahmaah Somalliyeed.”””La soco warar kale oo arimahani khuseeya siiba sawirada Iyo magacyada dadka fidnadani wada marka uu shirku qabsoomi oo aan baahin doono, waxana jiro tiro badan oo hada kooxdaasi ka dhex baxday oo fahmay wanaaga, waxana ay mahadsanyihiin”””

Hada lasoco muxuu inayidhi “”Qoraa sare Maxamaed Cusmaan waxa uu inala socodsinayaa in xiliga Ilahay qadaro ee shirka laysugu yimaado in uu baahin doono Sawirada iyo Magacyada dadka shirkaasi kasoo qayb gala”” akhristaw si xeel dheer u akhri isla markaana u faham qoraalka Maxamaed,aan waxyar dib idiin celiyo ;

a) Maxamed waxa uu hore usoo xusay in shirkan UK gaar ahaan magalada Birmingham lagu waxyeelaynaayo Qaranimada Somaliland;Danbilayaan ayuu ka dhigay dadkii shirkaa qaban qaabinaayey,inta kalana Caruur iyo dhalinyaro lasoo marin habaabiyay ayuu inoo tusay Xariifsanaa saxiibkay.

b) Sawirada iyo Magacyada dadka ee uu balan qaaday in uu dadka Somaliland ama Somali oo dhanba Jin iyo Insi uu la wadaagi doono talaw maxay ayuu uga jeedaa “”halkaa ii jilciye ???maan fahmin ,idinkuna in aad fahamteen ma aqaano , hadaanu uga jeedin in dadkaasi la waxyeeleeyo; masuuliyadaa hadhaw yaa qaadaaya?????!!!!!!

Akhriste waxba Qalinku yuu ila sii taraarin,raalina ka ahaada hadal-tirada aan idinka badiyey, kaliya waxaan uga jeeday in qoralkaygan loo fahmo talo Maxamed-Qaran kusocota,tilmaan iyo in aynu is tusno dadkana aynu la wadaagno in Isaxaaq Carre meelkasta oo uu maanta joogo marnaba,horay iyo dibtoona aanu ugu maqnayn Somaliland wax hagardaamo iyo dhibaato u gaysanaay.

UJEEDADA SHIRKA UK:

Akhrista kaste oo Qoraalkan akhrinaaya waxaan ogaysiinayaa ,u sheegayaa in Shirka Aqoonyahanka,Odayaasha,dhalinyarada ,Culimada Rag iyo Dumar uga socday dhawaan ugana socondoona hadii ILAHAY qadaro carigaa UK in uu yahay shir iyo kulan ay Beesha Isaxaaq Carre kaga arinsanayso danaheeda isla markaana ay kusii adkaynayso dhidibadana ugu taagayso Somaliland jiritaankeeda oo ay beesho Kow iyo kowba ka ahayd asaaskii iyo Halgankiiba.

DIGNIIN DHAXAL GAL AH:

Qofkasta iyo shakhsi kasta oo akhriyay qoraalkii kasoo baxay mareegta wararka ee Qarannews isla markaana lagu tafaafulaayey been abuurkana lagaga sameeyay beesha ISAXAAQ CARRE WAXA AANU U SHEEGAYNAA IN AANAY WARKAASI WAXBA KA JIRIN ISLA MARKAANA UU YAHAY BEEEEEN CAD.

HAYBTA QARANNEWS

QARANNEWS waa mareeg ay dadka Somaliland ama Soomalidu ay wararka ka hesho,waa Mareeg caan ku ah wararka,faaloyinka,sheekoyinka .Qarannews waxaa mulki ahaan iska leh aasasayna Suxufiga caanka ah ee ay ka yar sibiririxootay maanta Maxamaed Cusmaan Jamac oo ku magac dheer Maxamaed-Qaran.

Iyaga iyo Allahoode Maxamed waxa uu qoraalka ku liishamayay ayaa yidhaahdaan dadku Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid,balse waxa uu kaga siibtay sharaftii iyo karamadiina iskaga qaaday beeshiisii soo Rabaysatay ee Isaxaaq .

Fiiro gaar ah:-

Maxamaed aniga waa saxiibkay,waa nin qaali igu ah balse Bini-aadam ayaynu nahay way dhici kartaa in aynu mararka qaar “”WAX INA JIIDHAAN” hadii aanan ilawsanayn 2003 waxaan filayaa in Mareegtan la aasaasay,waxa aan ka mid ahaa anigaygan Kahadar Aaari dadkii ka gacan siiyay xiligaasi in Qarannews ay ka mid noqoto warbaahinta loogu jecel yahay,Ilahay mahadi ha ka gaadhee kolay iyo kolay Maxamed isagu sidii uu jeclaa Mareegtu way u shaqaysay,inkastoo aan jeclaan lahaa in sidad dadku jecel yihiina uu Mareegta kusoo dabaalo.

Gunaanad Xadiiska xumaan sheega:

Ibnu Mascuud A.K.R. waxaa laga wariyey: Nebigu S.C.W. wuxuu yidhi: Ninkastoo ka mid ah asxaabtayda waa inuusan iiga soo sheegin war aan wanaagsanayn mid idinka idinka mida . maxaa yeelay waxaan jeclahay inaan idinka tago anigoo laab fayow idin jecel ( Abuu Daawuud iyo Titmidi )

W/Q:Khadar Ibrahim Aar.