Nin Meel Waayey Baan Boos Siiyaa ( Abdi-shotaly).

Nin Meel Waayey Baan Boos Siiyaa ( Abdi-shotaly).

Waxan doonayaa maanta in aan halkan kaga hadlo, laba qodob oo kala duwan, oo aan isku wax-ba sheegayn, sidaas awgeed, horaa loo yidhi “Waxa aand hureynin horaa loo yeelaaye” si wacan bay Ummadda Reer Ceerigaabo u soo bandhigeen hadafka ay ka leeyihiin, iyo halka ay ka taagan yihiin, magacan ay baaba-sadeen labadda askri, ee ku yimi meesha boobka iyo beenta, ee cuqdad iyo colaadi uurka googaysay, taas oo aan dawo lahayn ay qabaan, ahna waxay ku wadda socdaan. Hadaba aan u baydho labadda qodob ee aan sare ku soo carabaa-baye, ku soo fdhawaw waa kuwane;
(a)  Shalay oo taariikh-du ahayd 18/May/2019, oo ay labadda askari meesha ka buuf-taamaa doonayeen in sacabka loo garaaco, kana akhriyaan hodho-dhoodii ay shubi jireen, baa waxa aad ugu dhesheen Istiikaro ay leedahay Jabhadda Caare, taas oo iyana ku beegnayd ama ahayd, sanad guuraddii koowaad, ee jabhadda Dulmdiid ka ah, ee uu hogaamiyaha ka yahay Janaral Caare, sidda wacan ee aad uga muujiseen Magaaladda Ceerigaabo, ee aad ugu ugu soo dhejiseen waraaqaha leh magaca Jabhadda kor ku taal ee ” Dulmi-diid” dhamaan deribi-yadda Magaalo madaxdda ee gobolka Sanaag. sidaas awgeed baan halkan Hambaliyo iyo bogaadin uga dirayaa Shacabka Reer Ceerigaabo, waxana aan leeyahay halkaa ka wadda ilaa iyo inta la helaayo Maamul loo siman yahay, oo cuqdad ku dhaqma, oo aan xanuun qabin, ee caafimaad qaba, sidda kan hadda hargaysa uun ku kooban, ee beelaysan, kaas oo ay hor kacayaan ” Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximani”

(b) Waxan rabaa qaar meela-haas ka dhurma oo yidhaaha beel gaar ah  buu Abdi-shotaly Wax ka sheegaa, oo iyaka oo reer hebel hoosta ku haysta, isku qariya ciiradda, waxan leeyahay waxba la isu qarin-maayo, ee runta baa la isu sheegayaaye, askariga aad u sacab tumaysaan muxuu ku lahaa halgankii SNM, Waa kuwan raggii u soo jihaadaye. oo akhristaw waa la yaqaanaa cidii dalkan u soo hurtay naf iyo maal, cid dafiri kartaana ma jirto, marka beenta iyo khiyaaliga la iskala tago, bal waan kuu yara dul marayaaye, Askarigan meesha ka been sheega ee yidhaaha wax baan xoreeyey, ha yidhaaho waa been. Raaggii dalka soo xoreeyey, baan magacya-doodda yara taataa-banayaa, ee akhri waa kuwane.

(1) Ninkii jabhaddii SNM ugu horeeyey Ee dagaal ku dhintay wuxu ahaa ina Saleebaan weyne (IHUN), Taariikhddau way qoreysaa, oo lama hilmaami karo,
(2) Buurta Sheekh Waxa candhadda u galay Mujaahid Dhega-weyne iyo Cabdisalaan Yaasiin iyo ciidnakii ay wateen,
(3) 27/May/1988kii, Burco waxa galay Axmed mire rabbi khayr ha siiyo’e, oo illaa xeebta xiis iyo maydh socday, Xasan kayd (IHUN) oo qayb ka ahaa burco, Ina macalin Haaruun (IHUN)oo maalintii ugu hoireysay ku geeriyooday Burco soo geli-taan-keeddii.
(4) Koodbuur oo birjeex kala baxay C/laahi Askar, iyadda oo aroorta la dili lahaa, kii soo basaasayna uu Hargaysa dhex joogo.
(5) Hargaysa Waxa galay 30/May/1988kii Mujaahid Dhega-weyne oo isku laba rogaayey, Bir-jex oo ahayd Uh-ddii ciidankii faqashata ee 26naad, waxa galay (IHUN) Aadan-Cade, oo waa kii waaqluhu indhaha kaga dhacay, ee loogu jeexay Magaaldan aan ku noolahay ee Manchester, ee aanu anigu hayey, waxa ka markhaati ah,  Wiilkisa weyn Xuseen Aadan Cade, ee imika u ah Waddani gudoomiyaha Moroodi jeex.
(6) Mandheera waxa galay Lixle, Cabdiraxmaan maxamed Case ( Hadad London Ku Nool), Duuliye Xayd, Sumini iyo ciidan ay wateen, oo la soo baxay 11kii oday ee ku xidhnaa jeelka weyn ee Xabsiga mandheera.
(7) Maxamed Cali (IHUN) iyo Talaate Codle waxay ahaayeen kuwii galay Cadaadlay oo ahayd saldhigii labaad ee ugu weynaa, una babac dhigay wixii faqsh halkaa ka joogay.
(8) Diyaaraddii Somali Airline Waxa af-duubay Cawil Cadami, oo loo tirinaayo in uu dil-kiisii ka dambeeyey Askarigan ” Raggii ma adigaa ka hadhay”. runa ah oo uu si dhab ah loo xaqiiji-naayo.

Hadaba la isma wareershee, wax aan jirin derejo laguma xidho aanad lahayn, magacna laguma doono’e, oo socon mayso, beeni raad ma leh, ee xagee bay joogeen  kuwan reer hebel ku nooli, markii raggii ragga ahaa uu wacdara-haas dhigayeen? Bal kuwa daba ordayaa hasheegeen waxay qabanayeen,? oo ummadda haw sharaxeen halkay ku dhuumana-yeen?. Saw maaha waxay ku sheegtaan Mujaahidnimo, beri baanu xuduudda ka talawnay, iyaka oo la ogaa in ay Xarshin laxooxdda ka guri jireen, meel ay xabad ka rideena aanay jirin, marka dagaal dhaco, ay Habuura iyo xarshin u kala carari jireen, saw markhaati ma doon ma aha, waase nasiib iyo hadalkii ay geeridu ku jawaabtay ee ay tidhi “Nin meel waayey baan meel u baneeyaa”. Waxan ku soo Qoofalay qoraalkan taariikhiga ah, Dadnimo waa ka debedda labadan askari, kuwa aasay Somaliland, ee illaah caafimaad ha siiyo’e, Siilaanyo falay waa iyaka, wax somaliland la yidhaahaana hadda ma jirto, oo markii xanuunku ku dhacay siilaanyo baa ugu dambaysay, ee illaah farej khayr qaba haw furo, hadda ma jirto’e.

* N.B Dameer Iyo Doc Ka yeedh-ba Daankaa Lagu Dhuftaa!
Qore:- Abdi-Shotaly.