Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Wajiyada Cusub ee Siyaasadda Somaliland.

Wajiyada Cusub ee Siyaasadda Somaliland.
Waxaa ayaamahan aad loo hadalhayey weji siyaasadeed oo ka soo ifbaxay Somaliland asbuucyadii dhawaa ee ina dhaafay.

Waxaa arrin aad looga hadlay guud ahaan dadka Somalida ah iyo gaar ahaan Somaliland noqotay ololaha siyaasadeed ee ay bilaabeen labada siyaasi ee ruug caddaaga ah ama bareyaal sare Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galaydh. Labadan muwaadin waxa ay badka soo dhigeen oo gudaha Somaliland keeneen in si furan daaha looga faydo dareenka ay qabaan dad badan oo reer Somaliland ah gaar ahaan beelihii aan SNM taageeri jirin. Hase ahaatee waxaa weli meesha ka maqan cid si cilmiyeysan oo aan caadifadaysnayn doodaa ugu jilib dhigta ama uga garowda.

Weli ma cadda waxa ay arrintaa ka damacday dowladda hadda dalka hogaamisa iyo inta ay ka sii aamusnaan karaan doodahan xaaladdii kiciyey. Waxa muuqata in ay lagama marmaan tahay in su’aalahan loo wajaho si xeel dheeri iyo xaqsoornimo ku dheehantahay.
Waxaa xudunta doodahan noqday fikirka ah “Somaliland la wada leeyahay” taas oo xataa labada siyaasi ee ku bahooday mashruuca Tabliiqa Siyaasiga aanay si uga wada jawaabin.
Sawirka kale ee aadka u soo baxay maalmahan dhaweyd ayaa muujinaya waxa ka soo ifbaxay hirdan siyaasi ah oo dhex maray labada xisbi ee ugu wayn Somaliland.

Arrinta xisbiyada ayaa ka bilaabantay markii xisbiyada Kulmiye iyo UCID ku dhawaaqeen in ay diyaar u yihiin doorasho ay labadooda keliyi ku loo lamaan.

Gudoomiyaha xisbiga Waddani oo fasax dheer debedda ugu maqnaa intii wadahadaldu socdeen ayaa ka dib markii wadahadalkii ay ku kala kaceen xisbiyadu isagoo u muuqda inuu soo nastay soona diyaargaroobay dalka ku soo noqday.

Markii uu soo noqday, guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaan wakhtiba is ka lumin oo markii uu garoonka Cigaal ka soo degeyba bilaabay dood adag iyo eedeyn uu dusha u saaray guud ahaan xisbiga Kulmiye iyo gaar ahaan madaxweyne Muse Biixi.
Marka laga yimaado arrinka doorashada oo muddo soo jiitamay waxaa dagaalka ama doodaha labada xusbi qayb weyn ka noqday dilkii foosha xumaa ee lagu dilay laba sarkaal oo ciidadamada Somaliland ka tirsanaa. Allah ha u naxariisto saraakiishaa la dilay.
Hadaba bal aan eegno labadan dhacdo ee kala ah Ololaha Tabliiqiga iyo hirdanka Kulmiye iyo Waddani waxa ka dhex muuqday.

Ololaha Tabliiqiga Siyaasiga
Dooda labada rug caddaa ama macallin oo ah laba aqoonyahan oo reer Somaliland ah in badan oo horena Somaliland ka soo horjeeday ayaa ah mid miisaan aad u wayn leh.
Marka kowaad fikirka ku salaysan in Somaliland aan loo sinayn dhibkeeda iyo dheefteeda oo ay aad u aaminsanyihiin labada aqoonyahan iyo beelihii aan SNM ahayn. Meesha ay tahay in si runa loogu gudagalo lagana garaabo wixii khaldan waa gudaha Somaliland sidaa darteed waa hawl aanay indhaha ka qarsan karin madaxda ama siyaasiyiinta Somaliland hadda hogaaminaysaa.

Marka labaad Somaliland waa la wada leeyahay oo ilaah baa inagu wada abuuray lakiin halka amuurtu ka weecsantahay waa in Somaliland dheefteeda aan loo sinayn siiba beelaha darafyada ay saluug badan muujinayaan.

Hadaba cidda jecel wanaagga iyo in Somaliland wax noqoto kuma gaadhi karto anagaa isku filan iyo laysu joojin maayo. Waxaana iman doonta haddii laysku diido in lawada tashado oo wax la wada yeesho inay imaan doonto kala tashi ay ku xigi doonto kala tegis.

Hirdanka Kulmiye iyo Waddani
Xubnihii muranka ama dooda labada xisbi ee kulmiye iyo Waddani ku metelay ayaa waxay kala yihiin, dhinaca Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi, Wasiirka Arrihama gudaha Maxamed Kaahin, Wasiirka Gadiidka Cabdillahi Abokor iyo wasiirka warfaafinta Maxamed Muuse.
Dhinaca Waddani kooxda u safnayd ayaa kala ahaa Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed (Cirro), hogaamiye Xirsi Xaji Cali, Xildhibaan Xuseen Caydiid iyo siyaasi Ismaaciil Aadan (Ismaaciil yare).
Kooxda Waddani ayaa soo bandhigay dhaliilo aad u kulul iyagoo aad moodaysay inay maanka ku hayeen hadalkii Maxamed Kaahin ee ahaa mucaarad adagi ma jiro Somaliland.
Dhaliishooda oo inta badan ku wajahnayd siyaasadda iyo shaqada dowladda oo god daloolooyin uga muuqdeen, ayaanay haddana ka madhnayn dhaliil shakhsi ahi.
Waxaan qabaa in mucaaradku ay xaq u leeyihiin in ay dhaliilaan xukuumadda si ay wax u hagaajiso balse lagu daro dhaliisha talada saxda aad u aragtid iyo in loo gudbiyo si aan xumayn ahayn.
Kooxda Kulmiye waxay u dhaqmeen sidii rag rag iska celinaya waxaa iskaga khaldamay ka jawaabista arrimaha ay Waddani ka hadleen iyo ujawaabista shakhsiyaad ay u arkeen inay weerar ku soo qaadeen. Xubnaha golaha wasiirada u hadlay waxay u muuqdaan in aanay fahmin in aan qof ahaan iyo reer ahaan midna loo la hadlayn ee shaqada iyo xilka umadda loo hayo arrintu taagantahay.
Sawirka halkan ka soo baxay ayaa muujinaa in labada kooxoodba ay ka soo wada jeedaan beelaha SNMta taageeri jiray balse cidiba kaga jrin Somalilandtii kale. Sawirkaa bal adigu u gee dooda Cali Khaliif iyo Axmed Ismaciil.
Dhinaca kale waxay ahayd arrin muujisay in ay Waddani u yara ekaayeen Giraantii Xirsi sheegi jirey, Kulmiyena ku koobnaayeen isbahaysiga Jeegaanta waa marka weliba beelaha dhexe lagu koobo arrinka.
Miyaanay tani ahayn in Somaliland cid gaara isku haysato welibana koox gooniyi dowladda keligood isu arkaan inay difaacaan sax iyo khalad.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkan halqabsigii ahaa “Waddankayga marwalba daacad baan u ahay, Dowladdase marka ay mutaysato ayuun baan daacad u ahay” ee uu yidhi Mark Twain
“loyalty to my country always, loyalty to my government when it deserves it” by Mark Twain.
By Abdisalam Suulceyn
London, UK

Please follow and like us: