Diyaarada Itoobiyan Airlines oo markii ugu horeesay ka degtay Garawe (Daawo Sawirada)

Diyaarada Itoobiyan Airlines ayaa markii ugu horeeesay duulimaad ku tagtay magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland, kadib heshiis ay Adis Ababa ku gaareen Madaxda Shirkada iyo maamulka Puntland.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Garawe waxaa diyaaradan kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Puntland iyo dadweyne kale ,kuwaa oo ku faraxsanaa in diyaarada Itoobiyan Airlines duulimaad ku timaado magaalada Garawe.

Maamulka Shirkada Itoobiyan Airlines ayaa sheegay in diyaaradooda duulimaad toos ah ku tagi doonto magaalada Garawe , waxaana duulimaadka tooska ah ay shirkada Itoobiyaan Airlines bilowday soo dhaweeyay dadka ku dhaqan deegaanada Puntland.

Soomaaliya waxaa xiligan qaar kamid ah garoomadeeda duulimaadyo  toos ah ku yimaada diyaarado caalami ah, waxaana arintan suurto galiyay hormarada ka jira Garoomada Soomaaliya iyo amaanka garoomada oo la adkeeyay.

 Â