Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland oo Shaaciyey Mashaariic loo fulinayo hay’adaha Dowladda

Hargeysa (SalaanMedia)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Mashaariic loo qabanayo hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo intooda badani yihiin dhismeyaal cusub iyo Dayac-tir lagu samaynayo Xarumaha hay’ado ka tirsan dowladda.

Mashaariicda ayaa lagu shaaciyey Qoraal uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka Maxamed Axmed Xasan (Jabarti-Saadle), kaas oo lagu faahfaahiyey noocyada kala duwan ee Mashaariicda la fulinayo.

Hoos ka akhriso Waraaqda lagu baahiyey Qandaraasyada la doonayo