Wariye Kayse Axmed Digaale  oo qado sharaf loogu sameeyey galbeedka magaaladda London.Sawiro

Wariye Kayse Axmed Digaale  oo qado sharaf loogu sameeyey galbeedka magaaladda London.Sawiro

Kulan balaadhan oo ka qabsoomay Galbeedka magaaladda London laguma soo dhaweynaayey Wariye Kayse Axmed Digaale oo ay kasoo qayb galeen qaar ka mid ah aqoonyahanka iyo saaxibada wariye Kayse Axmed Digaale oo dhawaan uun ka yimid dalka Somaliland.

Kulanka oo ahaa qado sharaf u badnaa is waraysi,kaftan iyo dhalinayro cuslaatay oo aan in mudo ah is arag.

Qado sharafta oo lagu furay Aayado Quraanka ah ayaa dadkii ka hadlay ay aad ugu dheeraadeen aqoonta iyo kaftida Wariye Kayse Axmed Digaale u leeyahay saxaafadda iyo wararkiisa qiimaha badan ee had iyo jeer uu ka soo tabin jiray caasimadda 2aad ee Somaliland Burco iyo inuu yahay wariye dhexdhexaada oo warkiisa lagu kalsoon yahay.

Waxa kale oo ay soo qadeen oo ay shegeen in lagu xasuusto wargayskii Jamuuriya oo aad looga qadarin jiray Somaliland.Aqoonyahanka kasoo qayb galay kulanka ayaa aad ugu faraxsanaa booqashada uu dalkan Ingiriiska ku joogo waxayna balan qadeen inay si weyn u qaabili doonaan.

Ugu danbeyntii Wariye Kayse Axmed Digaale oo hadalo kooban kasoo jeediyey qado sharafta ayaa ugu horeyn aad ugu mahad celiyey dadkii Soo qaban-qaabiyey kulanka iyo dhamaan akhyaarta kasoo qayb galayba waxa uuna warbixin kooban kaga waramay safarkiisa iyo in dalkii Somaliland lagu nabad qabay . waxa kale oo uu shacabka reer Somaliland ku booriyey isku duubnaanta.

Wariye Kayse Axmed Digaale waxa uu wakhtigan ka hawl galaa Tvga Saab  oo uu ka mid yahay wariyayaasha ugu cadcad.

Salaanmedia/London