Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Cidda Gduumiye Faysal Cali Waraabe Dacweysay waa Cid Somaliland dacweysey..

Jamhuuriyada Somaliland waa qaran iyo jamhuuriyad jirta oo astaan iyo sumad u gaar ah leh, Siddoo kale bulshada reer Somaliland waxa ay leeyihiin shaqsiyaad lagu tilmaamo hanti Qaran, kuwaas oo u heelan hanaqaadka, Midnimada iyo hirgelinta qaranimada Somaliland, shaqsiyaadkaasi waa kuwo hadh iyo habeen ku hawlan cadawga Jamhuuriyada Somaliland iyaga oo toos u abaara Cid kastaa oo cadaw u ah Jamhuuriyadan barakaysan ee Somaliland, ama ku tiraaba wax ku lidi ah Midnimada iyo qadiyada qaranimada Somaliland, shaqsiyaadkaasi waxa ay ka hor mariyaan danahooda gaarka ah iyo hadafkooda siyaasadeed danta qaran ee guud, iyaga oo Mar walba mudnaanta koowaad siiya danta qaranka Somaliland, Siddoo kale haddii ismaandhaaf ku yimaado siyaasada gudaha Mar walba waxa ay la saftaan Dhanka maslaxada iyo badbaadada qaranku ku jiro, iyana Afka kalama waabtaan wixii dhaliil ah ee jira oo waxay dhawaaq dheer ku tabiyaan qaladaadka Dalka ka socda si loo saxo awgeed.

Hadaba Muwaadiniintaa Dahabka ah, ee geesiyaasha iyo hantida qaranka Somaliland ku sifoobay waxa kamid ah Gudoomiyaha Xisbiga Qaran ee Ucid eng Faysal Cali Xuseen (Hanti Qaran) ilaahay ha xafidee, waxa aynu wada ogsoonahay in Mudane Faysal uu yahay muwaadiniinta reer Somaliland ee cadawga Somaliland ay ugu necebyihiin, oo sababna u tahay difaaca qaranka Somaliland iyo qadiyada Somaliland xaga uu ugu jiro awgeed, cadawga Somaliland geed dheer iyo geed gaabanba wey u korreen siddii ay wax yeelo u  gaadhsiin lahaayeen sumcadiisa, qofnimadiisa iyo hadafkiisa siyaasadeedba Mudane Faysal (Hanti Qaran), cadawga Somaliland waxa ay aad uga gubtaan weedhaha naabaalka ah ee uu ku gano ee uu ku difaaco qadiyada Somaliland.

Se maanta waxa fajeciso, layaab, qaadanwaa’ iyo afkala qaad noqotay in la sheegey in qoyska ama caa’ilada madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ay Dacwad kasoo gudbiyeen Mudane Hanti Qaran Faysal Cali-waraabe, doonayaana in loosoo xidho!!, waa yaab iyo yaabka yaabkiiye!,

Waxa aynu hore u ogayn dhacdadii foosha xumayd ee Xukuumada Somaliland ninka ajahanabiga ah ee JABUUTI u jooga Somaliland ay tidhi u jawaab oo dalkiisa iyo caasimadiisa ku dhex aflagaadee Gudoomiyaha  Mudane Hanti Qaran Faysal Cali-waraabe, taas oo deelqaaf ku ahayd qaranimada iyo jiritaanka Somaliland aadna uga cadheysiisay muwaadiniinta xalaasha ah ee reer Somaliland,

 waxa jirtay in Mudane Muuse Biixi oo aan ahayn Gudoomiye Xisbi dalkana aanay asxaab siyaasadeed ka jirin uu ku eedayn jiray Madaxweynihii salka u dhigay qaranka Somaliland ilaahay haw naxariistee Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, in qoyskiisii uu Dalka u gacan geliyey iyada oo aanay jirin se aan cidi dacweyn buusna ku odhan, se Mudane Hanti Qaran oo ah hogaamiye Xisbi Qaran oo Mucaarad ah oo dhaleecayn ama tusmayn kara Dalka waxa ka jira, qoys baa dacwad ka qaba Hadal maaha, cidda tidhi Mudane Hanti Qaran Faysal Cali-waraabe ayaanu dacwad ka qabnaa hala hubsado maaha muwaadiniin reer Somaliland ahe waayo cidda tidhaa Faysal baanu dacweyneynaa waa Cid tidhi Qaranka Somaliland baanu dacweyneynaa.

Hadal iyo dhamaan muwaadiniin baa ku dhimatay jeelal qoysasbaa ku ubad waayey rasaas ciidan riday Cid kiis u furatay oo soo dacwad tagay ama loo xidhay, ma hayno, laakiin xaajadan ugub ee qoys, Madax qaran loo xidhaayo waa wax qaran dumis ah oo cadawga Somaliland ka danbeeyo oo hore JABUUTI ayaa lugo kula jirtay Mar ay muwaadiniin hantidooda iiga qaadaa tidhaa iyo Mar ay madaxda qaran Dalka gudihiisa ku Af lagaadeeya tidhaa, Xamarna makusoo biirtay oo Xamar iyo fiila Soomaaliya iyo Farmaajo Faraha maynala soo galeen ileen waa la ogyahoo dacwada Gudoomiye Faysal Cali-waraabe (Hanti Qaran) XAMAR baa laga soo abaabulay wax la qaadan karo maaha ee warka XAMAR INAGA DHAAFA Mudane Faysal Cali-waraabe waa Hanti Qaran e.

Illaahay baa Mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Attachments area