Dal Afrikaan ah oo dhaqaale lagula dagaalamo Coronavirus ugu deeqay China

Madaxweynaha dalka galbeedka afrika ku yaalla ee Equatorial Guinea ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu labo Milyan oo doolar ugu deeqayo Shiinaha.

Lacagtan ayuu sheegay in loogu talo galay dagaalka China kula jirto caabuqa Coronaviris oo ay ku dhinteen ilaa 636 qof.

Waxaa Talaadadii go’aankan gaaray golaha wasiirada ee Equatorial Guinea si taageero loogu muujiyo dalka uu xiriirka ganacsi ka dhexeeyo ee Shiinaha.

Inkasta oo Equatorial Guinea uu yahay dalka saddexaad ee ugu wax soo saarta badan shidaalka Afrika haddana kala bar shacabka dalkaas waa sabool ku nool maalintii wax ka yar hal dollar.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku dhawaaqay in dadka ay qaadaan dagaal ka dhan ah xanuunka Fayrus-ka Corona, kaas oo dhimashada uu dhaliyay ay sii kordheyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Wakaalada wararka dawlada Shiinaha ee Xinhua oo soo xiganaysa hogaamiyaha dalkaasi ayaa tiri “Waddanka oo dhan ayaa awooddooda kaga falceliyay si ay uga jawaabaan si guud iyo in laga hortago lana qaado talaabooyin lagu xakamaynayo, iyadoo laga billaabayo in lala dagaalamo inuu dadka ku dhex faafo.”