Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

MADAXDA AFRICA EE HADA TALADA JOOGA WAXA LOOGA FADHIYAA IN AY KA TAGAAN , TAARIIKH , HAL-ABUURO IYO HOGAAMIYAYAASHII BARITO !!

MADAXDA AFRICA EE HADA TALADA JOOGA WAXA LOOGA FADHIYAA IN AY KA TAGAAN , TAARIIKH , HAL-ABUURO IYO HOGAAMIYAYAASHII BARITO !!

( Adiga oo dhaxal reebi kara , ha noqon dhinte aan la tebin ).
Dalkasta iyo qaarad kasta oo aynu hiigsano ama u naqaano wadamada hore u maray waxa tacab galiyey oo halkaa ay joogaan iyo wanaagaa lagu majeeranayo u sameeyey dadkiisa , xaqiiqaduna waxa ay tahay umad waliba waxa ay iska dhigto ayuun baa taariikhda u gali doona .
Qaarada Africa waa qaarad khayraadkeedu dihin yahay oo aan 99% wali la soo saarin isla markaana u baahan in la daah furo oo loo guntado sidii loola soo bixi lahaa ee looga maarmi lahaa kaalmo shisheeye iyo mucaawimo aduunka kale ku kabo.
Africa marka hore waxa ragaadiyey saameyntii ay kaga tageen dawladihii ku soo duuley ee reer  yurub oo noloshii ,dhaqanadii iyo aqoontii dabiiciga ahayd ee ay lahaayeen dadkani ka baabiiyey isla markaana u raray nolol, aqoon iyo dhaqano kale oo aan dadkani iyo deegaanka ay ku nool yihiin aan anfacayn.
Waa marka labaad e Africa waxa laga dhigtay isticmaale ( consumer ) wax aanu lahayn oo waxa ay noqotay suuq aduunka oo dhami ku soo tartamo taasi waxa ay meesha ka saartay wax soo saarkii iyo horumarkii qaaradu sameyn lahayd oo waxa ay ku noqotay curyaamin kale marka cidwaliba waxii ay soo saartay u iib keentay.
Waxa sida oo kale ragaad ka dhigey in aanay qaaradu helin hogaamin ka saarta maamul xumada,  musuq-maaduqa , colaadaha , gaajada,  faqriga,  horumar la’aanta oo la timaada hal abuur laga dhaxlo oo ay u aayaan da’yarta qaarada Africa u kacday .
Marka la iskuwada daro qaarada Africa dalal kooban ayaa leh nidaam wanaagsan oo socda oo koraya isla markaana seeskoodu adag yahay  laakiin qaarada Africa inteeda badani waa mid u nugul burburka iyo isku qabsiga talada iyo hogaaminta dalka , taasina waxa dhaliyey in aanay lahayn nidaam wanaagsan oo lagu kala badbaado ama aan loo jeexin sees adag oo dawladnimo .
Arimaha kale ee dib u dhaca ku riday qaarada Africa waxa ka mid ah farogalin shisheeye ay ku hayaan dawlado iyo shirkado raba in ay khayraadkeeda gurtaan , amaba raba in aanay Africa isku filaan oo curyaamin siyaasadeed kuwada taasi oo aan qorsoonayn oo ah waxa keenay colaadaha iyo dagaalada la dhex dhigo dadka Africa.
Aduunyadu mar uun baa lawada abuuray dadkan ku guud nool laakiin waa la kala hor fekeray uun , oo qaaradaha iyo wadamada aynu u naqaan qaar hore u maray waxa ay ku gaadheen halkaasi dedaal oo ay kaga soo baxeen dhibtii hore ee nolosha , waxaaba tusaale loo soo qaataa in dhibaatadu fekerka iyo horumarka dhaliso sababta oo ah qaaradaha kale qaarada Africa ayaa ka dhul wanaagsan kana khayraad badan.
Maanta madaxda Africa waxa u yaalla in ay ka fekeraan qarniyada soo socda waxii ay uga tagi lahaayeen taariikh iyo hal abuur dadkooga isla markaana u noqon lahaa dhaxal iyo magac wanaagsan oo ku xardhanaada taariikhda dalalka iyo guud ahaan qaarada Africa.
Sidoo kale waxa iyagana laga rabaa Madaxda Maanta Africa hogaamisa ; sameynta nidaam wanaagsan oo soosaara hogaamiyeyaashii barito sii wadi lahaa taariikhaha iyo dhaxalka wanaagsan ee hogaamiyeyaashii soo ababiyey uga tageen,  iyaguna da’yarta dambe sii gaadhsiiyaa taariikhdaa iyo hawlqabadkaa wanaagsan ( legacy ).

Mohamed Dhimbiil.