Shirka Kulmiyaha cusubi waa shimbarayohow heesa

Shirka Kulmiyaha cusubi waa shimbarayohow heesa

Waxaa magaalada Hargaysa ka furamay shirkii garba duubka ahaa ee Kulmiyaha ladhalan rogan ,sida ka muuqatay qaabka loosoo agaasimay iyo sida ergooyinka loosoo xukay ayaa ka markhaati kacaysay waxa uu yahay Kulmiyaha Cusubi,
Waxaa lagu soo xulay dhabar taabad iyo kanaa uhogaasan hogaamiyaha afduubka waday,
Waxaa laga saaray cidkasta oo lagu tuhmay inay kelmad ka odhan karto , waxaa madadasha laga soo buuxiyay dad loo keenay farta oo kekiya iyo inay camiraan
Ma jirin wax daah furaan ah oo ka muuqatay madashaas,
Waxaa lagu tilmaami karaa maanta kulmiyaha la sameeyey ee cusub Xisbigii kacaankii ina soo maray kaasoo aanay soo agmari jirin cid aan daacad uahaym odaygii xijaabtay,
Waxaa ka dhacday taariikhda markii ugu horaysay xisbiyada oo
Kuraasta ugu saraysa la yidhaahdo mid kamid ah uun baa tartan loo gelayaa,waana kursigii ugu liitay ee 4aad oo awelba aan owood lahayn,waxaa kasii daran waxaa layidhi beel ka mid ah beelaha ugu mudan Somaliland kusoo heshiiya halka kuwa sheegta beesha dhexe aan la agmarin tasoo muujisay sida aan loo qadarin beelaha kale , iyana waxaa karaamo daro weyn ahayd kursigaa waxaa fadhiyay Madaxweyne ku xigeenka, lagama xishoon kursiga uu ku fadhiyo ee waxaa lagu dirqoyay inuu weliba tanasul sameeyo,
Weliba waxaa taariikhada markii ugu horeysay la bar bar eryay Wasiir waa sharaf darada uu Kulmiyaha cusubi wadanka kusoo kordhiyay, waa Xisbi utaagan dhaawaca sharfta Somaliland
Waa xisbi wadanka baray isqabsi iyo muran, taas waxaa dheer inuu sidii uu doono ugu tagri falayo cashuurtii yarayd ee dadka laga qaaday iyadoo aanay jirin wax sharci ah oo xalaal uga dhigay
Ama ka xigsiiyay xisbiyada kale,
Isku soo duuboo reer Somaliland waxaa la gudboon inaan casaabadaa afduubka wadaa wadanka markale hogaanka uqaban oo aan cod lagu qasaarin haba yaraatee, lagana shaqeeyo
Mid nimada umada iyo sidii wadanku ugu soo noqon lahaa gacanta dadka iska leh hada wuxuu ku jiraa gacan hal shaqsi
Waana la arkay wuxuu galo iyo wxuu gudo,

Allaa mahad leh
Iman M Ciise
Hargeisa