Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Oo Ka Hadlay Shir-weynaha Xisbiga Kulmiye iyo Doorashada Baarlamaanka Soomaaliya

Hargeysa (SM)- Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ku caan ah Obama, isla markaasina kamida Xildhibaanada ugu miisaanka culus Golaha Wakiilada JSL, ayaa waraysi uu siiyey Bulsho Tv, kaga hadlay, shir-weynaha xisbiga Kulmiye ee lagu wado inuu Hargeysa ka furmo 4 Oct 2020 iyo sidoo kale doorashada Golayaasha Baarlamaanka ee Soomaaliya iyo arimo kale xaasaasi ah oo dhinacyo badan taabanaaya

Ugu horeyn Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo wax laga waydiiyey sida uu u arko, waxyaabaha laga filan karo shir-weynaha xisbiga Kulmiye ee maalinta bari ah lagu wado inuu Hargeysa ka furmo ayaa waxa uu tibaaxay in shir-weynahani lamid yahay uun shir-weyne-yaashii hore ee xisbigu horeba ugu qabsan jiray dalka shantii sanaba hal mar, islamarkaasina lagu soo dooran doono hogaankii xisbiga hogaamin lahaa shanta sano ee soo socota.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shir-weynahan afraad ee xisbiga Kulmiye ay sidoo kale kasoo bixi-doonto siyaasada guud ee dalka xisbigani ku hogaamin-doono, waxa kasoo bixi-doona in la dardar-galiyo balamihii xisbigu qaaday ee uu dalka ku qabsaday in dib-u-eegis lagu sameeyo iyo in waxqabadka xukuumada la wada-gaadhsiiyo dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, ayaa sidoo kale tibaaxay in qodobada shirka kasoo bixi-doona ay ku jirto sidii loo mideyn lahaa guud ahaan bulshada reer Somaliland, intii u codeysay xisbiga iyo intii aan u codaynin-ba, si ay uga wada shaqeeyaan sidii Somaliland wax u noqon lahayd.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, oo wax laga waydiiyey sida uu u arko, Siyaasiyiinta hore uga mid ahayd xisbiga ee la filaayo in aanay ka qayb-galin shir-weynahan afraad ee xisbiga, ayaa waxa uu bayaamiyey in aanay jirin cid loo diiday inay isku sharaxo hankiisii siyaasadeed isla markaasina fagaaraha tartanka ee xisbiga kulmiye waligiiba ahaa mid furan, taasi oo Xildhibaanku tusaale usoo qaatay shir-weyne hore oo isaga laftiisu isla sharaxay Madaxweyne Axmed Silaanyo isla markaasina aanay jirin cid ka hor istaagtay iyo cid u diiday toona.

Xildhibaan Obama oo hadalka sii-wata ayaa sidoo kale waxa uu tusaale fiican usoo qaatay sida Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland ugu tanaasulay wasiir Saajin, isaga oo xeerka iyo sharciga xisbiguba u banaynaayo, taasi oo xildhibaanku ku tilmaamay inay ahayd kursiga kaliya ee laba musharax ku tartamaayeen.

Dhinaca Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi ayaa waxa uu ka hadlay doorashada Golayaasha Baarlamaanka ee Soomaaliya oo la sheegay in 46 xildhibaan ay matali-doonaan Somaliland, kuwaasi oo xildhibaanku carabka ku adkeeyey in haba-yaraatee aanay jirin cid ay ku matalayaan, taasi oo uu sidoo kale xildhibaanku sheegay in aynu kala nahay laba dal oo kala leh laba baarlamaan oo kala madax-banaan isla markaasina ay dunida oo dhami ka dharagsan tahay in aynu nahay laba dal oo siyaasiyan iyo sharciyan-ba u kala madaxbanaan isla markaasina Somaliland aanay xukumin Soomaaliya.

Xildhibaan Obama ayaa isaga oo hadalka sii wata waxa uu sheegay in, Siyaasiyiinta Soomaaliya marka ay sheeganayaan inay xukumaan Somaliland ay khiyaamaynayaan qarankooda, isla markaasina cashuurta laga qaado hooyada tamaandha ku iibinaysa Soomaaliya lagu biilinaayo dad aanay jirin cid ay matalaan isla markaasina aan kasoo-jeedin dalkooda iyo qarankooda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ugu danbayntii ka hadlaayey wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa waxa uu sheegay in markasta ay iyagu burburiyaan, taasi oo uu tusaale usoo qaatay xildhibaanku, dadkan ay Soomaaliya ku sheegayso inay yihiin dad matalaaya reer Somaliland, taasi oo uu ku tilmaamay inay mid tahay waxyaabaha ay kaga baxayaan cilaaqaadkii wada-hadalka labada dhinac

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi ayaa Gunaanadkii waxa uu fariin gaar ah u diray bulshada magaalada Muqdisho degan, taasi oo uu usoo-jeediyey in iyaga gaar loo khiyaamaynaayo isla markaasina lagu daray xildhibaanadii matalaayey 46 xildhibaan oo aan iyaga matalaynin isla markaasina aanay jirin cid kale oo ay matalaayaan oo dhalasho ahaana kasoo-jeeda dalkale oo aan Soomaaliyaba ka-tirsanayn, taasi oo uu sheegay xildhibaanku inay cay iyo khiyaamo ku tahay bulshada reer Muqdisho.

Salaanmedia/Hargaysa