Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee Waddani oo Isku Shaadhayn iyo Magacaabid ku Sameeyey Gudiyada Iyo Maamulka Qaarada Yurub ee Xisbiga Waddani . April 22, 2017

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah ee Waddani oo Isku Shaadhayn iyo Magacaabid ku Sameeyey Gudiyada Iyo Maamulka Qaarada Yurub ee Xisbiga Waddani .
April 22, 2017Waddani logo
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Hassan ayaa Goor dhawayd magacaabis iyo isku shaandhayn ku samaayey Gudiyada iyo Qaybo ka mid ah Maamulka Xisbiga ee Qaarada Yurub.

War Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Hogaamiye Xirsi Xaaji Cali Xasan oo Goor dhaway na soo gaadhay ayaa Muujinay in Isku badal iyo Magacaabid Balaadhan lagu sameeyey Hogaanka Uk ee Xisbiga Waddani iyo Waliba Hogaanka Sare ee Qaarada Yurub uu Xisbigu ku leeyahay.

Masuuliyiinta la badalay waxa ka mid ah Gudoomiyihii Hore ee Qaarada Yurub Ahmed Nahi oo Xilkii uu hayey Loo Magacaabay Mudane Cabdiqaadir Maxamed Cabdilaahi (Cukaashe ) iyo Gudoomiyihii hore Xisbiga Waddani ee Uk Xuseen Aadan Cadde oo isna xilkii uu hayey loo magacaabay Masuul Cusub oo lagu magacaabo Mudaned Maxamed Cali Maxamuud.

Halkan Hoose ka Akhri liiska Digreetada uu Ku Saxeexan Yahay Hogaamiye Xirsi X Cali Xassan oo dhamaystiran .
IMG_1093 IMG_1094