BAAQ: DOORASHADA DIB HALOO DHIGO ILAA JUNE,2018. XAALAD DEG-DEGA SOMALILAND HA LA GELIYO. COD YAAN LAGA RAADIN DANYARTA ABAARTA IYO SHUBAN BIYOODKA ISBARKANI HAYAAN.

Waxaynu daawanay sawirka  muwaadin isdel-delay markii uu  cunto iyo biyo u waayay. Waxaynu aragnay qoysas  gaajo iyo haraad ugu dhintay Bariga Burco.  Waxaynu aragnay  xoolo cabay   dhiiga xoolo  kale . Waxaynu aragnay  dagaal biyo la’anku  dhexmaray   doofaaro iyo riyo.Waxa dalkii ku  habsaday shuban biyood  boqolaal qof u dhinteen.  Waxaynu aragnaa sicir barar saamayay danyartii iyo saboolkii.Dhinac kale waxaynu aragnay Marwo Amina Weris  oo Hotel casri ah ka qotomisay  Hargeisa. Waxaynu  aragnaa mucaaradkii, Eng Faysal,  oo dilaal noqday “ Broker”. Waxaynu aragnaa Gudd. Sulaymaan oo fasax caafimaad Dubai ugu maqan.  Waxaynu aragnaa Madaxweyne Siilaanyo oo aamusay ama la Sixray. Waxaynu aragnaa Col.Muuse Biixi oo Madax-dhaqameedkii  dhameel u dhigay. Waxaynu aragnaa Taliye Fadal oo qofkii hadlaba  jeelka ku hubsanaya. Ugu danbayn, waxaynu aragnaa  Guddidi Doorashada Qaranka oo ku dhawaaqay kaadh-qaybin. Waa kaaf iyo kala dheeri.
Baaq:
1).Waxaan ugu baqaaya  Saddexda  Xisbi  qaran inay joojiyaan Ololaha Doorashada  kuna dhawaaqaan  dib-u-dhigista doorashada.
2) Waxaan ugu baaqayaa Golaha Guurtida inay dib u  qiimayn  ku sameeyaan xaalada adag ee lagu jiro  , doorashadana dib loo dhigo ilaa May ,2018.
3). Waxaan ugu baaqayaa Madaxweyne Siilaanyo inuu ku dhawaaqo xaalad deg-deg ah  dadkana la samata bixiyo.
Drs Hoodo Yusuf, Uk, London.