Daacish oo soo bandhigtay magaca iyo sawirka ninkii isku qarxiyay Boosaaso By Rashka – 25th May 2017

Daacish oo soo bandhigtay magaca iyo sawirka ninkii isku qarxiyay Boosaaso
By Rashka – 25th May 2017
Kooxda Daacish ayaa baahisay magaca iyo Sawirka ninkii ka dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee habeen hore ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ismiidaamintan, ayaa waxaa gaystay nin naftii hallige ahaa, iyadoo uu beegsaday bar kontorool oo Ciidamada Booliska Puntland ku leeyihiin agagaarka Xarunta Dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso.

Daacish oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa baahisay magaca ninkii ka dambeeyay qaraxa, waxaana ay ku sheegtay Abuu Qudaama kana soo jeeday Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay Daacish ay soo bandhigaan nin ka mid ah askartooda Somaliya ka dagaalanta, kaasi oo fuliyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Faraca Daacish ee Somaliya ayaa xoogooda waxa ay ku sugan yihiin Gobolka Bari, gaar ahaan Buuraha Galgala, halkaasi oo ay kula dagaalamaan ciidamada Puntland.

Puntland ayaa sheegtay inay adag tahay in si dhaqsi ah lagu soo afjaro dagaalka lagula jiro Kooxda Daacish, maadaama dhulka ay ku sugan yihiin ee buuraha uu yahay mid ay adag tahay in lagu laayo.IMG_3772