TAARIIKHDA BURCO IYO SIYAASIYIINTA KU SUNTAN KHADKA CAGAAN “ LINE” AMB AWIL GUDD SULAIMAN COL MAXAMED KAHIN IYO MARXUUM DAB-LIBAAX

| June 18, 2017
burco Magaaladda Burco  waxa ku nool  boqolaal  kun oo qof oo ka kooban dhamaan beelaha waawayn ee Reer Sheikh Isxaaq “HY HJ HA Arab “ iyo Gabooye. Sidaas ay tahay waxa la sheega khad cagaaran oo Burco u kala qaybiya Bari &  Galbeed.  Barigu waa HJ  Galbeedkuna waa HY. Halkaa waxa lagu duudsiyay beelahii kale ee deggana Burco .Dadka qaar waxay yidhaahdaan   khadka Cagaaran waxa alifay  Saxaafadda Reer Galbeedka  ee  Jumhuuriya iyo Haatuf. Dadka qaarna waxay ku nisbeeyaan   Siyaasiyiinta  Reer Burco  oo ay mid yaheen Amb Awil, GuddSulaymaan, Col  Maxamed  Kaahin iyo Marxuum Maxamed Ismaciil Bulaale “ Dhab libaax” .Qormadan hore  waxaan  si kooban usoo bandhigi doona  taariikhda Burco.maqaal
Taariikhda Burco “ History of Burco “
Burco waxa si fiican loo degay  dabayaaqadii qarnagii 18th  magaceedana  waxa la odhan jiray  Ceel Gooni .Waxa   wada deganaa beelaha   Isaaq  iyo Gabooyaha. Magaca cusub ee  Burco  waxa   la bixiyay 1910 markii uu si rasmi ah u   degay  Ingriisku waxaana laga hogaamin  jiray dagaalkii lagula jiray  Daraawiishta . Guddoomiyahii  “ Distrcit Commisioner”  ugu horeeyay wuxuu ahaa Mr Allan Giib , oo ahaa sakaal  joogay Somaliland muddo 19 sanodood ka badan. Wuxuu ka qayb galay dagaaladi  Jidbaale, Daratoole iyo Taleex ee lagu jebiyay Sayid Maxamed  Cabdalle Xassan . Mr. Allen Giib wuxuu  cashuur kusoo rogay Gobolka Burco “ Head Tax” si loo dhiso  skuulo . Waxa cashuurta  si adag uga soo horjeestay  dadkii deganaa  Gobolka oo xoolo dhaqatada ahaa .
DILKII MR ALLEN GIIB
 Bishii   Febrauary 1922 waxa Burco  yimid Badhasaabkii British Protectrate  Mr Jeffery Archer waxaanu shir deg deg ah la qaatay Mr Allen Giib , Rasaldaar Major Xaaji Muuse Igare iyo Cuqaashi  Reer  Burco. Wuxuu amray inay Reer Burco si dhakhso ah u bixiyaan cashuurta xoolaha ‘ Head tax”. Waxa magaaladda ka qarxay buuq iyo mudaaharaadyo lagu diidanyahay cashuurta. Waxa dibedda u soo baxay Mr Allen Giib iyo Xaaji Muuse Igare. Dablay  hubaysan oo Habar Yoonis ah ayaa toogtay Mr Allen Giib waxaanu ku dhintay goobtii taariikh 25th Feb 1922  . Koodii dilkaa gaysatay oo ahaa 5  qof way baxsadeen lamana qaban.
DUQAYNTII BURCO 1922 IYO FIRXADKII HY.
Markii  dilka Allen  Giib uu gaadhay Sir Winston Churchil oo ahaa Wasiir-Al -Mustacmaraadka  Ingriiska  wuxuu amray in Burco la ba’abiiyo qabiilkii  dilka gaystayna ciqaab jamaaci ah “ collective punishment “  la saaro. Ciidamadii Cirka  ee Ingriiska “ RAF” oo kasoo duulay Cadan  kuna soo  hakaday Berbera ayaa  cirka ka weerary  Burco  5th March 1922 , dhulkana waxa ka galay ciidmadii Camel Corps.  Magaaladii Burco waxa kasoo hadhay Masjid Jaamac “ Mosque”. Qabiilki  HY ee falka dilka GIIB  gaystay  waxa lagu xukumay 3,000 oo halaad .Waxay  ka qaxeen dhamaan  ceelashi  ay biyaha ka cabi  jireen  ee Burco,  Oodwayne, Ceel Xume , Ceeg iyo Cadaadlay.  Waxa  dhacdooyinkaas  ka markhaati furaayaa tuducyadda  soo socota oo uu tiriyay Abwaan  Yowle.  Markii dilka  Giib loo sheegay  wuxuu Yowle  joogay Tififle  oo ku dhaw  Laas Anod . Yowle  wuxuu watay geel fara badan oo gaadhaaya  300 halaad  waxaanu  kusoo jeeday  Ceelka   Burco. Asagoo dilkaas  ka xun  wuxuu tiriyay Gabay uu ku hal qabsaday hasheesii “ GO’OD”.  Wuxuu yidhi :
Haday garan lahayd geiyga waxa ka dhacay,  Go’od ma olosheene,
Gorgor duulaya iyo waa Dayuur  , guuxa baxayaaye “ Aeroplane”
Niman goondhariina ku baxay ,  gacan islaameede
Giibtaasi uun bay hayaan  ,   goor iyo ayaane
Godka la cadaabyow  maxaa ,u geeyay Habar Yoonis
Gashigiisu badana ma anakaa ,  guunyaba u hayna.
 Yowle  wuxuu tix kale ku tilmaamay sida ay Habar Yoonis uga qaxday ceelashii iyo dhulkii ay degi jireen  una yaceen hawdka sare. Wuxuu yidhi:
Ceel Xume  iyo Oodwayne waa laga carceeraaye,
Kala carartay Habr Yoonistii calanku saarnaaye,
Cilmi  Qabille waa kaa ka raray xalay Cadaadleeye,
Ciig kuma furaan Reer Xussein ama Caleen Wayne,
Xirsi Bari wuxuu ciirayaa cidhifka Doolloode,
Caynaanshahi  wadhan fadhiyey Caado kor u dhaafye,
Cunimayso deegaan inuu Caarshe noolyahaye.

Qaxaas iyo firdakaasi  wuxuu sababay in HY   duulaan ku qaado Ogaadeen   kana fogaadeen meel uu Ingriis ka dhawyahay.
(( La soco qormadda Labaad – Tariikhda New Burco 1924 )
Drs Hoodo Yusuf, London, Uk,

Category: Articles

Comments are closed.

banner ad
Friend: tai game java - Game Mobile - game mobile online