Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre..June 26, 2017

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Xildhibaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre..June 26, 2017

ciro-s
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaya magaciisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada xisbiga, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta, haweenka iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibad ba, waxa wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan Eheladii iyo guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaya geerida naxdinta leh ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa xalay oo taariikhdu ahayd 26/06/2017.
Waxa uu C/raxmaan Ciro illaahay uga baryey Marxuum Sheekh Cumar inuu naxariista ka waraabiyo golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo..
Alle ha u naxariistee Xildhibaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii ugu horreeyey ee lagu aasaasay Golaha Guurtida Somaliland.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN