Maamulka Xisbiga WADDANI Ee UK Oo Baaq Nabadeed Diray .August 20, 2017

Maamulka Xisbiga WADDANI Ee UK Oo Baaq Nabadeed Diray .August 20, 2017Waddani logo

Maamulka Xisbiga Waddani UK iyagoo aad uga xun dhibaatada colaadeed ee Beesha Walaalaha ah ee dagaalku saaka ku dhex martay degaanka Buuhoodle. Waxaanu ugu baaqaynaa in colaada la joojiyo ilaahay laga baqo nabada , wada jirka wada dhalshada Iyo degaan wadaaga la dhowro. Waa in Aqligu shaqeeyaa oo laga fikirka Mustaqbalka dhalinyarada

Ugu dambeyntii hadaanu nahay Maamulka Xisbiga Waddani UK walaalayaa waxaanu si Xushmada leh idiinka codsanaynaa inaad soo afjartaan colaada oo nabada Iyo walaalnimo aad ku bedeshaan

Waxaanu u soo duceynayaa intii ku dhaawacantay Iyo inta ku geeriyootayba ilaahay ha U naxariisto Amiin Amiin

Mataan M Omar
Xoghaye ku Xigeenka Xisbiga Waddani UK.
Sheffield .