Xogo Rasmi Ah Oo Laga Helay Ujeedada Safar Uu Magaaladda Muqdisho Ku Joogo Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar+Kulamo Xasaasi Ah Oo Uu La Yeeshay Farmaajo Iyo Khayre Iyo Qodobo La Yaab Leh Oo KULMIYE Ku Jiro Oo Uu La Hor Tagay Hargeysa(Ogosto.21,2017

 Daawo Muqaal:Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi  oo ka hadlay Fursadaha Somaliland u furan
Hargeysa(SM)Ogosto.21,2017-Wasiirkii hore ee arrimaha dibada  iyo ganacsiga Somaliland  Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa saddexdii maalmood ee u danbeeyey waxa uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaliya,isaga oo kulamo kala duwan la qaatay madaxwaynaha Somaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo raysal wasaaraha Xasan Cali Khayre,waana hal maalin ka hor intii aanu shalay Muqdisho ka dhoofin madaxwaynaha Somaliya.Wargeyska Foore oo daba gal ku sameeyey safarka wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar ku joogo magaalada Muqdisho ayay noo suurto gashay in aanu xogo dheeraad ah oo cusub oo xaqiiqo ah ka helno nuxurka ujeedada rasmiga ah ee masuulkaasi ku joogo magaalada Muqdisho,cidda uu kulamada la qaatay,cidda safarkiisa fududaysay,hudheelka uu dagan yahay,iyo ilaa hadda xaaladda uu ku sugan yahay,isaga oo Wargeyska Foore xogahan ka helay ilo wareedyo u dhuun daloola qasriga madaxtooyada Somaliya.

Maxamed Cabdilaahi Cumar oo hore u ahaa wasiirka wasaaradaha arrimaha dibada iyo ganacsiga Somaliland,wakhtiganna kamid ah masuuliyiinta sar sare ee xisbiga KULMIYE ee talada dalka Somaliland haya ayaa inkaste oo uu muddo dalka ka maqnaa kuna sugnaa wadamada Bariga Afrika waxa maalmihii u danbeeyey uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho,iyada oo xogaha xaqiiqada ah ee aanu arrinka Maxamed Cabdilaahi Cumar ka helnay ayaa waxay noo xaqiijiyeen in uu safarkiisa u fududeeyey wasiirka arrimaha dibada Somaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ay aqoon shakhsi oo muddo dheer ah isku leeyihiin Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Ilo Wareedyadan Foore soo xiganayo oo Indhaha soo saaray Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegaya in uu degan yahay hudheelka PARADISE ee magaalada Muqdisho oo xagga danbe kaga beegan hudheelka caanka ah ee Jazeera Hotel,iyada oo dorraad oo sabti ahayd galinkii hore uu kulan la qaatay madaxwaynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo isla habeen horena uu kulan la qaatay raysal wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo ay isla galinkii hore ee sabtida ay Khadka telefoonka ku wada xidhiidheen.

Ujeedada kulankan hore ee Villa Somaliya ka dhacay ayaa xogaha aanu ka helaynaa waxa ay tibaaxeen in wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland uu dalab saddex qodob ka kooban u qaddimay madaxwaynaha Somaliya qodobadaas oo kala ah

  • In xukuumadda Farmaajo ee Somaliya taageero maaddi ah iyo mid macnawi ahba siiso xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ee doorashada madaxtooyadda Somaliland markii saddexaad u tartamaya.
  • In xukuumadda Muqdisho ka taageerto isaga shakhsi ahaan sida ay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ugu wareejin lahayd in uu fududeeyo urur madax banaan oo la sheegay inuu leeyahay Maxamed Cabdilaahi Cumar,kaas oo uu codsaday in uu isagu fududeeyo garsoorna ka noqdo kulamadan soo socda ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya
  • Iyo qodobka saddexaad oo ah xogta aanu helnayna ay noo xaqiijisay in uu Farmaajo hordhigay codsi ku aadan in dawladiisu xil siiso oo uu qayb ka noqdo nidaamka maamul, gaar ahaana loo magacaabo xil wasiirnimo oo meeqaam sare ah,taas oo uu Maxamed Cabdilaahi Cumar sheegay inuu diyaar u yahay qabashada xilkaasi,codsigaasina uu ku aadan yahay marka madaxwaynaha Somaliya kadib Ciidda Carrafo uu sameeyo isku shaandhayn la hadal hayo,taas oo uu ka rabo xil wasiirnimo oo uu muddoba raajicinayay.

Xogaha kale ee aan safarka Maxamed Cabdilaahi Cumar ka helnay waxay tibaaxayaan in uu isla habeen hore ka qayb galay kulan lagaga hadlayay arrimaha Amaanka oo ay soo qaban qaabisay xukuumadda dalka Somaliya,isaga oo la sheegay in Maxamed Cabdilaahi Cumar leeyahay urur madaxbanaan oo daraaseeya arrimaha geeska Afrika,nabadda iyo hanaanka dimuqraaddiyadeed.

Ilo wareedyadan uu wargeyska Foore soo xiganayo,waxay tibaaxayaan in badiba codsiyada uu masuulkani la hortagay maamulka Muqdisho in intooda badan ay aqbaleen,iyada oo la isla qaatay in Maxamed Cabdilaahi Cumar uu ka mid noqdo wasiirada xukuumaddaasi.

Maaha markii u horeysay ee Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Ganacsiga Somaliland lagu xidhiidhiyo galaan-gal uu la sameeyey maamulka Muqdisho,waxaana wargeyska Foore ay illahani u xaqiijiyeen in markii uu ahaa wasiirka Ganacsiga Somaliland uu xidhiidh la sameeyey madaxwaynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud,isaga oo doonayay in loo dhiibo Mansabkii raysal wasaare ku xigeenka Somaliya ee wakhtigaasi uu ku fadhiyay Maxamed Cumar Carte Qaalib.

 

 

 

Salaanmedia/Hargaysa

Source Foore