War deg deg ah Beesha Habar Cafaan Ee Gobolka Awdal Oo Boqorka Guud Ee Beesha Caleemo Saaraysa kadib markii Suldaan Dhawal u xuub siibtay Siyaasada.. 18th Oct, 2017

War deg deg ah Beesha Habar Cafaan Ee Gobolka Awdal Oo Boqorka Guud Ee Beesha Caleemo Saaraysa kadib markii Suldaan Dhawal u xuub siibtay Siyaasada.. 18th Oct, 2017

news
Warar hoose oo naga soo gaadhaya dhaqanka iyo odayaasha beesha Habar Cafaan ayaa sheegaya in dhawaan beeshu caleemo saari doonto boqorka guud ee beeshaasi yeelanayso.
Boqor Cabdi Axmad Cige Salsal ayaa odayaasha beeshu ka codsadeen inuu noqdo boqorka guud ee beesha Habarcafaan.

Duruufaha siyaasadeed ee halakeeyay hogaankii dhaqanka ee beelaha Habar Cafaan oo ku kala qaybsamay siyaasada ayaa waxa ay dhalinyaro,ganacsato iyo qurbajoogta beelaha Habar Cafaan waxay isla meel dhigeen in Beesha Habar Cafaan loo caleemo saaro Boqorka guud Cheif Caaqil Salsal oo taariikh fog u tirsada hogaanka dhaqanka ee beelaha Awdal ayay shacabkiisa Habar Cafaan waxay si wayn uga
niyad jabeen Suldan Dhawal oo ah suldanka Guud ee beesha Habar Cafaan oo noqday nin dhaqaale raadis ah oo siyaasada ku milmay kana leexday xeerka beesha Habar Cafaan isla markaana maal urursii ku jira.

Suldaan Dhawal ayaa ku dhawaaqay gudi kaanbayn oo kamid ah xisbiyada Somaliland arinkaasi oo fajiciso Ku noqotay umaddii uu xilka dhaqanka u hayay iyo guud ahaan gobolka taasi oo sababtay in beeshu ay samaysato hogaan xilkii uu dayacayna qabata.

Cheif Caaqilka Guud ee beesha Habarcafaan Boqor Cabdi Axmad Cige Salsal ayaa ah nin ganacsade ah oo kasoo Jeeda Beesha Ugu awooda badan beelaha Habarcafaan ee Xeebjire waxaana uu ku sifoobay naxariis badni iyo talo wanaag taasi oo meesha kasaaraysa hogaankii Suldan Dhawal oo noqday nin ku shubo ah kuna shaqeeya kolba cidii waxoogaa lacag siisa,imikana u gacan galay Saylic Iyo Muuse Biixi.
Isbadalka hogaanka Beesha Habar Cafaan ayaa la saadaalinayaa inay niyad jabwayn ku keeni doonto taageerayaasha Dhawal oo farokutiris ah.

Source Qarannews