Xukuumada Kulmiye shacabka how soo bandhigto Mashruucii biyo gelinta Hargeisa ee lagu bixiyey $153 Million.qalinkii..09.11.17

| November 9, 2017

Xukuumada Kulmiye shacabka how soo bandhigto Mashruucii biyo gelinta Hargeisa ee lagu bixiyey $153 Million.qalinkiimaqaal3-150x150

1- Dawlada Khaliijka

(UAE) ayaa ku deeqday Caasimada Hargeisa lacag gaadhaysa $30 Million oo dollar
2- Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2011-kii ugu deeqay JSL $27.5 Million dollar si loogu balaadhiyo biyo gelinta 4 magaalo oo Caasimadu ugu horeyso.

3-Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2012 kii ku deeqay dawlada JSL $64 Million dollar si loogu horumariyo 9 mashruuc oo uu mashuuca ugu balaadhani uu ahaa $8.5 Million dollar oo loo qoondeeyey dib-uhabeynta balaadhinta iyo horumarinta biyaha Caasimada Hargeisa taas oo lacagtaa badankeeda ay bixiyeen UK iyo Denmark.

4- Waxaa iyana isla Sanadkaa Qorshe howleedkii Higsiga Qaranka ee 2012-2016 biyo balaadhinta dalka loogu qoondeeyey $28 Million oo dollar oo iyana biyo gelinta Caasimada Hargeisa ugu horeyso.

5- Dawlada Jarmalku waxay biyo fidinta Caasimada Hargeisa ku deeqday lacag badan oo ah $ 23 Million oo dollar

6- Shirkada Coca Cola ayaa iyaduna waxay ku deeqday biyo balaadhinta Caasimada Hargeisa lacag dhan $ 5 Million oo dollar

7- Baanka Aduunku wuxuu ku yaboohay kuna bixiyey biyo gelinta Caasimadda Hargeisa lacag dhan $ 6 Million dollar

8- Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa waxaa isna Biyo fidinta Caasimadda Hargeisa loogu soo shubay $ 10.5 Million dollar .

9- Mar sedexaad dhawaan hadana midowga yurub ( EU ) wuxuu ku yaboohay lacag dhan $15 Million in ay ku baxayso dhameys tirka mashruuca biyo gelinta Caasimada Hargeisa ee Jamhuuriyada Somaliland oo iska noqday Haan gun’la.

Category: Articles

Comments are closed.

banner ad
Friend: tai game java - Game Mobile - game mobile online