Madaxwaynayaashii Somaliland Soomaray Goobahan Halagu Kala Maamuuso Goobahan Hoos Ku Qoran………10.12.17

Madaxwaynayaashii Somaliland Soomaray Goobahan Halagu Kala Maamuuso Goobahan Hoos Ku Qoran………10.12.17CE32D7A3-9F4A-457C-9840-D4EF2525BA82

Waxaan Maqaalkan kooban ku tilmaami Doonaa soo jeedin ku saabsan Hab Maamuuska Taalo Sharafeed ama loogu kala magac daro afartii Madaxwayne ee intii Somaliland jirta Dalka kasoo taliyay..

1 Madaxwaynihi Koobaad ee Somaliland Halyaygii Qaranka ka hiray cadawga Hormuudkii guusha Ilaahay naxariistii jano ka waraabiyo Md Cabdiramaan Axmed Cali ( Cabdiramaan Tuur)
Waxaan odhan lahaa waa in loogu Magac daraa Fagaarayaasha Waawayn ee kukala yaala Dhamaan Gobalada laga bilaabo Beerta Xoriyada Hargaysa 26ka June ee Berbera Khayriyada Burco Beerta Nuura ee Ceerigaabo iyo Dhamaan fagaarayaasha Gobalada Dalkoo dhan waa in Lagu Maamuusaa halayaygaa Xoriyada Cabdiraxmaan Axmed Cali

2 Madaarada Ama garoomada diyaaradaha ee Dalka oo dhan Halagu Maamuuso Aabihii Dawladnimada Ilaahay naxariistii jano ka waraabiyee Md Maxamed X Ibrahin Cigaal

3 Xarunta Gudida Doorashooyinka Qaranka Ee Guud iyo Dhamaan xarumaha Gudiyada Doorashooyinka Ee Gobalada Iyo Degmooyinka Dalka Waa in Lagu Maamuusaa Aabihii Hirgelinta Doorashooyinkaa Qaran Iyo hirgelinta Dimuqraadiyada Md Dahir Rayaale Kaahin Madaxwaynihii Dulqaadka Iyo Daljacaylka

4 Waddada Ceerigaabo Baligubadle Salaxlay Oodwayne intaana Halagu Maamuuso Madaxwaynaha hada Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo….

Sidaasay Aniga iila muuqatay …
Waa Bilaahi i Tawofiiq
By Sacad Cali Kaahin Balaaki