Madaxweyne ku-xigeenka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Hay’ada Qaramada Midoobay Ee Somaliland Iyo Nuxurka Qodobadii Ka Soo Baxay Dec 10, 2017

Madaxweyne ku-xigeenka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Hay’ada Qaramada Midoobay Ee Somaliland Iyo Nuxurka Qodobadii Ka Soo Baxay27E1E296-4127-4CFD-B6B2-E881CBD7A32B
Dec 10, 2017 Hargaysa (SM) –Madaxweyne ku-xigeenka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Hay’ada Qaramada Midoobay Ee Somaliland
Madaxweyneku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adaha qaramada midoobay ee Somaliland Mr.Gartin Rox, kulankaasi ayaa lagaga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka Somaliland iyo qaramada midoobay.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa waftida uga mahad celiyay booqashadooda somaliland isagoo madaxweyne ku-xigeenku u sheegay weftiga inay ka xukuumad ahaan xoojin doonaan xidhiidhaka UN-ka iyo Somaliland.
Mr.Gartin Rox madaxa hay’adaha qaramada midoobay ee Somaliland ayaa uga mahadceliyay madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland sida meeqaamka sare leh ee uu usoo dhaweeyay, isagoo uga mahadceliyay xukuumadda Somaliland kuna bogaadiyay doorashadii qiimaha lahayd ee ka qabsoontay 13/Nove/2017.024F7946-D308-4C9C-9751-BC5561773DB2