Daawo Wararka Ugu Danbeeyey Ee Xaaladaha Kasoo Daraysa Ee Dalka Itoobiya.Feb 17.18

Daawo Wararka Ugu Danbeeyey Ee Xaaladaha Kasoo Daraysa Ee Dalka Itoobiya.Feb 17.18

Golaha wasiirada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dalka la gelinayo muddo seddex bilood, taas oo isla maantaba billaabatay.

Warka uu goluhu soo saaray ayaa lagu sheegey in arrintani looga gol leeyahay sidii loo ilaalin lahaa dastuurka, nabad galyada iyo xasilloonida dalka Itoobiya.

Waxa sidoo kale lagu caddeeyay warka in xaaladdani deg degga ah ee la geliyay Itoobiya ay sidoo kale sababteeda laheyd qalalaasihii qowmiyadaha qaar u dhaxeeyay ee Itoobiya ka dhacay, kuwas oo sababay dhimashada dad rayid ah.

Salaanmedia/Hargaysa