Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo khuseeya demooyinka caasimadda Hargaysa ee dantooda ka seexday biyo laa,anta weheshaday demooyinka kale ee biyaha hela waxay quutaan xaaraan wa

maqaalWarsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo khuseeya demooyinka caasimadda Hargaysa ee dantooda ka seexday biyo laa,anta weheshaday demooyinka kale ee biyaha  hela waxay quutaan xaaraan waayo biyaha bulshada ka dhexeeya ayey isku koobeen,  nin afxumi waa u go,e isaga aan dhaafin hablaha ciidagale ceeb ma laha

Raysal wasaaraha  somaliya xadhig

Bismillaahi Arramanirraxeem.

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

 

Ku: dawladda  Somalilanad

Ku: maxkadda dalka ee dalka

Og: hay,adaha nabadsugidda.

Taariikh: 21/3/2018.

Somaliya 

Dameerku geela hayga didiyee wuu  sii qururuf leeyey wiilka sheegta raysal wasaaraha ee aan wali taba baran laguna magacaabo khayr laawe.

Dacawo halkay macal ku barato ayey macaluul ugu bakhtida.

Horjoogayaasha xamar lagu ilaaliyo ee ah hoggaamiye kooxeedyada casriyeysan ee dadkooda lagu hor laayo waxaa la gudboon in ay ceebtooda la aamusaan.

Dawladda jamhuuriyadda Somaliland waxaa la gudboon in  xadhidhig loo diyaariyo wiilka af baradka ah ee hadaaqaaya .

Ninka wasiirka dhaqanka sheegtay

Kuna kacay dhaqan xumada liidata kuma habboona waraaradda warfaafinta iyo dhaqanka wanaagsan ee looga baahna in uu ilaaliyo sharafta wasaaradda dalka murayaddiisa ah hablaha uu soo hadal qaaday waa hablaha ugu sharafta badan gayiga ay Somalidu degto waa hablo hooyo u ah nin kasta ama gabadh walba garasho leh ninna afkiisa laga xaalsiiyo ninka sheeganaya wasiirka waxaa uu kula kufay wax anay geyin sayidka Cabdulla Xasan iyo hooyooyinka milgaha lagu ogyahay.

Degmooyinka caasimadda jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa

 Demooyinkaas kalana ah degmada Xamed dhagax Degmada Gacanlibaax iyo Demada Maxamud Haybe degmooyinkaasi waxaa wehel u noqday biyo la,aana iyo booyado u dhaamiya iyada saddexda degmo ee kale ee caasimaddu ay helaan biyo ku fila ama kaba badan biyhaas waxay ku noqonyaan biyahaasi xaaraan sababta oo ah biyuhu waxay dhex u yihiin lixda degmo ee caasimaddu ka koobantahay waxaanu u wanaagasn degmooyinkaas khayraadka dalka  isku koobay in ay walaalahooda la qaybsadaan xaqana iska soo celiyaan.

Talo soo jeedin

  1. In raysal wasaaraha Somaliya khayr laawe maxkamadda sare ee dalka Somaliland xadhig ku xukunto laguna qaado dawlad dawlad qarannimadeeda diiddan.
  2. In wasiirka dhaqan xumada iyo iska horkeenka bulshada walaaha ah xilka madaxwaynuhu ka xayuubiyo.
  3. In bulshada ku dhaqan demooyinka aan kor ku soo sheegnay ka gilgishaan biyo la,aan aanay degmooyinka kale la qabin.
  4. In ay dawladdu u hawl gasho  dalka sidii biyo ay u wada gaadhsiin lahayd.
  5. In shaqada dalka dhallinyarada munaanta la siiyo dadka da,da ahna la siiyo guno ku filan.
  6. In lagu sheqeeyo iska wax u qabso si dalku horumar la taabana karo u gaadho.
  7.  In dhaliyarada loo sameeyo guur wadareed si ay u yaradaan dilka tuugada macsida sababta oo ah qofku marka uu masuuliyada qaado waxaas oo dhan wakhti uma helaayo waanu ka wanatoobayaa.
  8. In qof kasta oo qoraalkan akhriya ka  faaiidaysto wakhtiga ilaahay siiyey khaatumadiisana khayr ku khatimo
  9. In la badiyo cabdsida ALLaah

Xaqa iyo xaqdarradu meel  ma wada galaan xaqa ayaa guusha leh.

Ha kaa xigo mawaaddinka dalka kula leh dadka kale

Isku day in aad dalkaaga horumarkiisa ka shaqaqayso hana ku hallayn cid kale waayo muwaaddinku adiga ayuu kaa bilaabmaa.

Deeq Cabdi Digale