Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo laba garab u kala jabay iyo Xiliga Codka loo qaadayo Mooshinka laga keenay Jawaari oo la shaacinayo..March 24.18

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo laba garab u kala jabay iyo Xiliga Codka loo qaadayo Mooshinka laga keenay Jawaari oo la shaacinayo..March 24.18

Guddiga joogtada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in xarunta Villa Hargeysa ku shiraan go’aana ka gaaraan xiliga codka loo qaadayo mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Baarlamaanka Federaalka ayaan wax kulan ah qaadan mudo isbuuc ah , waxa ayna Xildhibaanadan ku mashquuleen Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Sida aan Wararka ku heleyno Guddiga joogtada ayaa la filaaa in ay go’aamiyaan in isbuucan gudihiisa Baarlamaanka kulmaan go’aana ka gaaraan Mooshinka Xildhibaanada ka keeneen Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u qeyb samay labo garab kuwa taageersan Mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kwa kasoo horjeeda oo Difaacaya Gudoomiyaha Baarlamaanka.12