Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo La Kulmay Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya + Arinta Ay Ka Wada Hadleen Apri 7, 2018

| April 7, 2018

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo La Kulmay Safiirka Turkiga Ee Soomaaliya + Arinta Ay Ka Wada Hadleen
Apri 7, 2018 Muqdisho (SM) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan
Jawaari ayaa kulankaan la qaatay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii dowladda u sii dar dar gelin laheyd taageerada ay baarlamaanka Soomaaliya siiso.
D
Sidoo kale kulanka waxaa ku sugnaa mas’uuliyiinta hay’adda TIKA oo ah hay’adda dib u dhiska ku sameyneysa Xarunta ku meel gaadhka ah ah ee golaha shacabka.
Waxay aheyd 10-kii bishii Maarso ee sanadkan markii heshiis ku saabsan dhismaha xarunta golaha shacabka ay kala saxiixdeen guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya,waxaana dhismaha xarunta uu socon doonaan mudo halsano ka yar.
Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay mar walba diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siineyso Soomaaliya.
Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga mahad celiyay dowlada turkiga iyo hay’adda TIKA sida ay mar walba u garab taaganyihiin golaha shacabka gaar ahaan dhismaha hada ay ku sameynayaan xarunta golaha shacabka.51746D92-30F7-4984-A4BD-E60609142D50

Category: Warka

Comments are closed.

banner ad
Friend: tai game java - Game Mobile - game mobile online