Bismillaahi Arramanirraxeem. Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga in

Bismillaahi Arramanirraxeem.

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh
Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna. Saabsan

Tilmaan la diiday  tiiraanyaa ka dambaysa

Wasiirka maaliyadda Somaliland

Dalka jamhuuriyadda madaxabannaan ee Somaliland

Wuxuu ka koobanyahay beelo isu tegay oo ku heshiiyey in ay qaran noqdaan dalna wada yeeshaan qaabdhismeedkii dawladnimo way dhammaystirteen

Waxay beelahaasi u baahanyihiin hoggaan ay ku wada kalsoonyihiin oo u ilaaliya masiirkooda hoggaankaasi  haddii aanu wada qaddarin tilaamaha  ay u soo gudbiyaan waxay sababi doonta in uu ku fashilmi doono taana waxaa ka iman doonta dhib uu ku suntanaan doono xilka uu qaaday hoggaanku

Kana mid yihiin dhiig data qax cadawga dalka oo farxa hooyo baroorata dhallinyaro qaroga dalkooda u qaadata tuug fursad helay  dal la dumyey sidii horeba u dhacday waliba hadda xoolahii loo qaxay ma jiraan waxaay ku dhamaamadeen abaaro ku yimi maammul xumo oo aan laga hortegin waayo maamulka garashada leh waa ka ka gaashanta xilliyada jiilaalka dad iyo duunyana badbaadiya.

Tilmaamah bulshada iyo hawlyaraysiga dawladda

Bulsha waliba dhulka uu  ilaahy dejiyey haddii tilmaamahooda dawladdu beelaha qaarna u debecsanaato

Beelaha badankooda dhegaha ka furaysato waa waxyaabaha keena in uu maammukaasi fashilmo laguna tilmaami karo garasho la,aan waxaana lagu garan karaa marka cadceeddu ka sii dhacayso xadhig joogto ah dhaliisha bulshada oo halkii ay wax uga qaban lahayd jawaab ingagan ku celisa waxaa ka wanaagsanaan lahayd in la dhagaysto shacabka masuuliyadda loo qaaday loona fuliyo tabashadooda

Taariikhda Wasiirka Cusub Ee Maaliyada Somaliland Aqonyahan Yuusuf Maxamed Cabdi

 

Sida ku cad taariikhdiisa

Dal waliba waxaa uu ku tiirsayahay dhaqaalaha soo gala ciidda gacanta ugu haysa heerkiisa wax barasho ka sokow waa wasiir ka soo jeeda qoys ku can baxay xalaal miirad  danta guudna mudnaanta siiya dad la socod leh akhlaaq wanaagsan leh dabeecaddu diinta waa ka badh.waxaad jeclaysanaysa la jooggiisa.

U fiirso qodobbdan

  1. Lama arag oo lamana maqal caasimada dadka ku nooli dhinacna biyaha xayndaabka gurigooda wax kaga beertaan lixda degmo ee ay caasimdda Hargaysa ka koobantahay saddex ka mida saddex ka midana lagu omanyahay una dhamiyaan booyada aan ku fillayn saddexda kalena tuubooyinka dhulka maraa waraabiyaan.
  2. Waxaa la gudboon dadwawga ku harraadan caasimaddoodii sida degmada Axmed dhagax ,Gacanlibaax iyo degmada  Maxamud Haybe in ay ka gilgishaan surmiga ay la noolyihiin ee aany degmooyinka kale la qabin.
  3. Golaha wakiillada waxaa jirtay in tabasho loo soo gudbiyey khusaysay wasiirka dhaqan xumada ku kacay ee wasaardda dhaqanka iyo war faafinta (U fiirso dhaqanka loo dhiibay iyo dhaqan xumadii ee dumarka sharafta leh sharfta iskaga qaaday) aflagaaddada qaawan kula kacay.tabashdaas oo ahayd eedaysanahan lagu magcaabo guri barwaaqo una gudbiyeen madaxwaynaha dalka mudane Muse Bixi Cabdi dacwaddaas oo aan waxba aanay kaga soo noqon tixgelinna laygu dacwoodihii wuxuu  sugaaya kaas oo ah bulshada aad wakiillka uga tihiin.
  4. Beelaha walaaha  ah ee dirirta joogtaysay ogaada in laydunku danaysanaayo dadna isugu xigtaan ee degmada ceel afwayn
  5. In lagu dedaalo in laga wada shaqeeyo horumarka dalka baraykaysan  ee jamhuuriyaddaSomaliland.
  6. Xusbiyada mucaaradka in ay toosiyaan xusbiga muxaafidka xusbiga muxaafidkuna aanu dhibsan talada dalka la wad leeyhay.
  7. Bulshada reer  Somaliland iska ilaaliyaan xusbiyada in ay ku milmaan xusbiyada qaranka muxaafidka iyo mucaaridkaba waayo waxaa tihiin bulsho dhulka wada leh oo walaalo ah waxaa dhacaysa haddii ilaahy idmo kuwa mucaaridku in ay mustaqabbalka in ay muxaafid noqdaan
  8. Xanaftii kursidoonkuna dhammaatay.
  9. Aqoonyahanka dalka waxaa looga baahanyahay ururinta bulshada.
  10. Madaxdhaqameedka waxaa looga baahanyahay nabadaynta iyo ururinta sidaas ayey Sharaf iyo maamuus ku leeyihiin cumaaddu siyaasadda kuma wanaagsana.
  11. In dhallinyarada guurka loo fududeeyo loona sameeyo guur wadareed kaas oo khayrku ku jiro dalkuna dareemi doono deggenaansho iyo baaharaha soo noqnoqday oo ilahay raxmaadkiisa ugu beddelo.
  12. In aany dawladdu sugin cannaanta xusbiyada mucaaridka ee ay ka war hayso nolosha hoose ee bulshada ee danyarta u badan.

Ku dhammayso xilka Sharaf iyo qaddarin ka dheeraw  tuke baalcad oo hantida ummadda xalaal mooday reerkiisa iyo naftiisana ku quudyey xoolaha ummaddu wada leeday oo xaaran ha ku noolaan si aanada xilka u waayin.

Deeq Cabdi Digale

Attachments area

Preview YouTube video Taariikhda Wasiirka Cusub Ee Maaliyada Somaliland Aqonyahan Yuusuf Maxamed Cabdi

Taariikhda Wasiirka Cusub Ee Maaliyada Somaliland Aqonyahan Yuusuf Maxamed Cabdi