Waa Kuma Hogaamiyaha Boqolka Milan Lagu Aaminey Inuu Hago, Dr. Abbiy Ahmed Ali (Ethiopian Prime-minister), Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Waa Kuma Hogaamiyaha Boqolka Milan Lagu Aaminey Inuu Hago, Dr. Abbiy Ahmed Ali (Ethiopian Prime-minister), Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

untitledQormadani  waxay  koobsanaysaa  dhamaan  Taariikh-nololeedka  Raysal-wasaarada  cusub  ee  dhalinyarada  ah  ee  Ethiopia  hada  u  cumaamadey  jagadaasi,  Gudoomiyaha  xisbul-xaakimka  dalka  Ethiopia  (EPRDF), (Ethiopia  People’s  Revolutionary  Democratic  Front), Dr. Abbiy  Ahmed  Ali  ahna  Gudoomiyaha  (OPDO), (Oromia  Population  Democratic  Organization), Waxa  uu  ku  dhashay  (Beshasha  Town  una  dhaw  agagaarka  Magaalada  Agaro  oo  ka  tirsan  gobalka  Jimma  zone  ee  deegaanka  Oramadu  ku  dhaqan  tahay), Xiligaasi  oo  taariikh  ahaan  aheyd  23kii  April  sanadii  1976kii.

 Qoys  ahaan  waxa  uu  ka  soo  jeedaa  qoys  isugu  jira  Laba  diimood  oo  kala  ah  Muslimiin  iyo  Masiixiyiin ,  Kasoo  ay  kala  qaybiyeen  Aabihii  iyo  Hooyadii  oo  uu  aabihii  yahay  Muslim  halka  Hooyadiina  tahay  Masiixiyad  yadoo  waliba  isaga  lagu  tiriyo  inuu  u  badan  yahay  dhinaca  hooyadii  oo  uu  Masiixi  Yahay,  Qoyskooda  ayaa  ka  kooban  5 qof  oo  walaalo  ah  iyo  Labadii  waalid  ee  dhalay  yaga  shantooda  oo  kala  ah  Laba  wiil  iyo  Saddex  Gabdhood,  Dr.  Abbiy  Ahmed  waxa  uu  waxbarashadiisii  hoose  iyo  tii  dhexe  ku  qaatey  Dugsi  ku  yaaley  magaaladii  uu  ku  bar-baarey  ee  lagu  magacaabi  jirey (Agaro),  Ka  dib  waxa  uu  u  soo  dhinaca  gobalka  Jimma  si  uu  dugsiga  sare  halkaa  uga  sii  wado  nasiib-wanaag  halkaasuu  ku  dhameeyey  waxbarashadii  heer  dugsiga  aheyd.

 Ka  dib  waxa  qaadatey  oo  uu  ka  mid  noqday  Ciidamada  Itoobiya  (Ethiopian  National  Defence  Force) , Isagoo  halkaa  jooga  ayuu  diyaariyey  Frist  Bechular  Degreegiisii  (Computer  Engineering  in  microlink  Information  Technology  College  In  Adis  Ababa  sanadihii  2001- 2005tii  Isla  xiligaa  waxa  uu  helay  tababer  dhinaca  Itga  ah  oo  South-Africa  ah),  Second  degree  ama  Master  Programmekii  waxa  uu  ku  (Master  Of  Art  In  Transeformational  Leadership And  Change)  oo  aheyd  Business  School at  Green-wich  University  London,  Sidoo  kale  waxa  uu  Master  ahaan  ku  diyaariyey  Business  Adminstration waa  isla  sanadkaa  2011kii  ee  uu  London   ka  yimidey  Adis-Ababa,  Hadana  2013kii  waxa  uu  ku   darsadey  (Leadstar  College  Of  Management  And  Leadership) oo  ah  Master  Programme  yadna  waa  jaamacada  Ashland  University  in  Adis  Ababa.

 

Wixii  intaa  ka  danbeeyey  waxa  Bilaabey  heerkii  ugu  sareeyey  waxbarashada  oo  ah  Third  Degreega  jaamacad  ku  taala  Adis-ababa  oo  lagu  magacaabo  (Institute  For  Peace  And  Security  Studies)  oo  ka  qaatey  shahaadadii  heerka  saddexaad  ama  P.H.D. Waana  maalintii  ay  magaaciisa  xaga  hore  ka  raacdey  Dr. Abbiy  Ahmed  Ali , Waxa  kale  oo  uu  leeyahay  xirfado  milatari  isagoo  ka  mid  ahaa  ciidanka  difaaca  itoobiya  waxa  hawl-galkii  ugu  horeeyey  loogu  direy  dalka  Rewanda Genocidekii  ka  dhacay  waa  saraakiishii  hogaaminaysay  hawl-galkaa  bani-aadamtinimada  ku  salaysnaa  ee  halkaa  ka  dhacay,  Dhan  kale  waxa  uu  khabiir  dhinaca  tiknoolajiyada  ee  milatariga  itoobiya  la  shaqeeya  isagoo  ugu  danbayntii  yeeshay  khibar  ciidanimo  oo  buuxda  waayo  waxaa  loo  dhiibay  hogaaminta  dagaalkii  la  odhan  jirey  (Ethio-Eriteria Border  War),oo  uu  guul  ka  soo  hoyey.

 Hogaamiyaha  dhalinyarada  ah  ee  dalka  Itoobiya  hada  hogaaminayaa  waxa  uu  khibrad  u  leeyahay  dhinaca  culuunta  amniga (Security) oo  uu ku  diyaariyey  Shahaadadii  ugu  danbaysay  ,  Sidaa  darteed  waxa  u  soo  qabtey  shaqooyin  xul  ah   dhinaca  amniga  sida  (United  Nations  Peace  Keeping  Force), UNAMIR. Hay,adan  caalamiga  ah  oo  uu  la  shaqeeyey  ee  amniga  dunida  ka  shaqaysa  waxa  intaa  u  dheer  waa  Aas-aasihii  Barta  Sir-doonka  Itoobiya  ama  Wakaalada  Macluumaadka Tiknoolajiga  Ilaalisa, ee  lagu  magacaabo  (Insa ,  Ethiopia  Information  Network  Security  Agency), Waxaanu  wakaaladan  ka  noqdey  Gudoomiyaheeda  Guud  iyo  ku-xigeenba  isagoo  fikirkaasina  ku  guulaystay.

 Hogaamiyahani  lagu  magacaabo  Dr.  Abbiy  Ahmed  Ali  kuma  yara  khibrad  iyo  shaqo  waayo  sidoo  kale  waxa  uu  ahaa  Xubin  ka   tirsan  Aqalka  Baarlamaanka  Itoobiya  (Federal  Parliament  Assembly), Oo  laga  soo  doortey  Deegaanka  Agaro  sanadkii  2010kii  ,  Hogaamiyahani  waxa  uu  dheeraa  madaxda  isagoo  shaqaynaya  oo  macaa  dagaalo  loo  direy  ayaa  uu  Waxbarasho  dhinac  ka  waday ,  Runtii  waa  hawl-kar  tacajib  galiyey  itoobiya,  Ugu  danbayntii  sanadkii  2015kii  waxa  uu  noqday  wasiirka  tiknoolajiyada  iyo  sayniska  ee  Itoobiya  mudadii  u  dhaxaysay  0ct 2015kii  ilaa  Oct 2016kii  waa  mudo  laba  iyo  toban  bilood  ah,  Sanadii  uu  qaatay  shahaadada  ugu  sareysa  ee  PHDda  waxa  yadna  garab  socotey  waa  2017kiiye  inuu  noqdo  Gudoonka  guud  ee (Oromia  Revolution  Organisation).

 

 

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Annalism.

 

Gabiley/Somaliland.