Wadan Ka Mida Qaarada Afrika Oo Laga Badalay Magacii,Maxaase loo bixiyey..April 20.18

Inta badan dadka ku nool dunida ayaanay u suuragelin inay badalaan magaca dal uu leeyahay, hasayeeshee Boqor Mswati ayaa arrintaas sameeyay.

Boqor Mswati saddexaad ee dalka Swaziland oo  ka mid ah boqorrada ugu awoodda badan caalamka.ayaa arbacadii ku dhawaaqay inuu magaca dalkaasi u badelayo “Boqortooyada eSwatini”.

Boqortooyada ayaa magaca rasmiga ah uga dhawaaqday garoon kubadda lagu dheelo xilli uu socday debaaldegga sannad guurada 50-aad ee ka soo wareegatay markii Swazi heshay madax bannaanida.

Debaaldegyada ayaa sidoo kale waxa ay ku soo beegmeen sannad guurada 50-aad ee ka soo wareegatay dhalashada boqorka.

 

 

Magaca cusub ee eSwatini, ayaa waxa uu macnihiisu yahay “dhulka Swaziz”. Lama filayn in dalkaas magaca laga badelo, hasayeeshee Boqor Mswati ayaa muddo sanada ah waxa uu Swaziland ugu yeedhayay magacan eSwatini.

Waana magacii uu boqorku adeegsaday markii uu 2017 khudbadda ka jeedinayay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, iyo weliba markii uu 2014 furayay baarlamaanka dalkaasi.

Hoggaanka Swaziland ayaa kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha waxa ay ku dhaleeceeyaan inay mamnuuceen asxaabta siyaasadaha iyo in ay faquuqaan haweenka.

Weriyaha BBC-da ee Nomsa Maseko oo ku sugan dalka Swaziland ayaa waxa ay sheegaysaa in ku dhawaaqista magaca la badelay ay ka xanaajisay qaar ka mid ah dadka wadankaasi, kuwaas oo rumaysan in ujeedada boqorku tahay inuu diiradda saaro sidii uu wax uga qaban lahaa dhaqaalaha sii liicaya ee waddankaasi.