SanotorAyuub Ismaaciil oo Ku Baaqay In Gar-gaar Bani’aadanimo oo Deg-deg ah la gaarsiiyaa Shacabkii ay Duufaantu ku dhufatay. WApril 24,2018

C9E10FBB-612F-49C9-ABA8-2BE73C2099D4SanotorAyuub Ismaaciil oo Ku Baaqay In Gar-gaar Bani’aadanimo oo Deg-deg ah la gaarsiiyaa Shacabkii ay Duufaantu ku dhufatay.
WApril 24,2018 BORAMA (SM) –ar qoraal ah oo uu soo Saaray Xildhibaan Ayuub Ismaaciil oo ka Mid ah Baarlamaanka federalka soomaaliya gaar ahaan Aqalka Sare ayaa Wuxuu Uga Hadlay Deegaanadii ay Ku dhufatay Roobkii Duufaanta Xoogan watay Gaar ahaan Deeganada Soomaaliland Isagoo Xildhibaanka Ku Amaanay Soomaaliland Sida Wanaagsan ay Ugu gurmaneyso Shacabka ay dhibtu Ku Habsatay
“Sida lawada ogyahay waxa dhowrkii cisho ee u dambeeyey Xeebaha Somaliland ka da’ayey roobab dabaylo wata oo isu bedelay duufaanno gaar ahaan gobolada Sanaag, Waqooyi-galbeed, Iyo Awdal. roobabkaas iyo duufanada iswata ayaa geystay khasaare laxaadleh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, dadkii ku sugnaa deegaanadaasi ayaa ku duunyo dadbeelay. Sidoo kale waxaa ku barakacay dad tiro badan oo musiibadu galaafatay hantidoodii iyo guryahooda.
Khasaaraha ayaa illaa iyo hadda inta la ogyahay ah: dhimashada, 30 qof, iyo 27 ruux oo lalayahay, iyo tiro intaa kabadan oo dhaawac ah. halka ay saameeysay (669,000) lix boqol sagaal iyo lix-dan kun oo qof una dhiganta 167,250 qoys , kuwaas oo ku sugnaa goobahaa duufaantu ka dhacdey, waxaana baa’bay 80% xoolihii ku sugnaa deegaamadaas, waxaa wali go’an isgaadhsiintii, iyo waddooyinkii gaadiidku mari jireen. sidoo kale waxay duufaantu dumisay goobihii: Caafimaadka, Waxbarashada.
Ugu danbayn waxaan warsaxafadeedkeyga kusoo koobayaa, in Dowlada Federaalka Soomaliya muujiso, kaalin bini aadannimo iyo gargaar dag-dag ah, sidoo kale dhamaan shacabka Somaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Somaliland waxaan ugu baaqayaa iney u gurmadaan dadkooda musiibadu ku dhacdey. Waxaan amaanayaa oo bogaadinayaa, kaalinta Xukuumadda Somaliland oo dadaal weyn ka muuqdo”.
W/Q/ Sanotor Ayuub Ismaaciil Yuusuf
.RAMADAAN WANAGSAN
Xafiiska Wararka Cadceednews.com:-
Jidda—Sacuudi:-