Daawo Sawiro…Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo la kulmay Raysal -Wasaare kuxigeenka Dalkan Ingiriiskan Nick Clegg’s

Daawo Sawiro…Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo la kulmay Raysal -Wasaaraha Dalkan Ingiriiskan Nick Clegg’s

25

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) iyo wafti uu hogaaminaayo oo ka kooban Barlamaanka Somaliland,Aqoonyahano ,Haween iyo madax kale oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa maanta la kulmay Raysal wasaare kuxigeenka dalkan Ingiriiska Mr  Nick Clegg’s  iyo madax kale oo ka tirsan dawladda Hoose ee magaaladda Sheffield. Waftiga uu gudoomiye Cabdiraxmaan hogaaminaayey ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey xafiiska Raysal-Wasaare kuxigeenka dalkan Ingiriiska,Ugu horeyn Gudoomiye Cabdiraxmaan ayaa aad ugu mahadceliyey sida wanaagsan ee loo qaabilay iyo casumadda loo fidiyeyba.Waxa uuna sheegay in ay ahayd horumar usoo korodhay shacabka reer Somaliland dhamaantood in dawladda Hoose ee magaaladda shaffield ay aqoonsi buuxda siiso Somaliland,waxayna noqotay tariikh aanay reer Somaliland ilaawi doonin.

Waxa kale oo uu Gudoomiye Cabdiraxmaan Codsi gaara uga codsaday Raysal-Wasaare-kuxigeenka Mr  Nick Clegg’s  in talaabadan ay qaadeen golaha degaanka Shaffield oo kale ay qaadaan Barlamaanka dalka Ingiriiska iyo Golaha wasiiraduba si Somaliland ay u gaadho Ictiraaf iyo horumar buuxa.

Raysal wasaare -Kuxigeenka  Nick Clegg’s ayaa isna aad ugu mahadceliyey dhamaan madaxda reer Somaliland ee kulanka kasoo qayb galay,waxa uuna Somaliland ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay iyo inuu u rajeynaayo in ay dedaalka sii wadaan,Waxa uuna soo dhaweeyey aqoonsiga  ay dawladda hoose ee magaaladda shaffield aqoonsadeen Somaliland.

Waxa intaa ka dib ay kulan kale waftiga uu hogaaminaayo Gudoomiye Cabdiraxmaan ay ku yeesheen aqalka weyn ee laga maamulo dawladda hoose ee magaaladda Shaffiled oo ahayd madashii dhawaan laga ictiraafay Somaliland,Waxaana loogu soo dhaweeyey si aad u balaadhan,Waxa lagu soo wareejiyey dhamaan dhismaha weyn ee Golaha degaanka Shaffield,Kadib waxa ay shir la yesheen Muqa magaaladda Shaffield iyo xildhibaano kasoo jeeda golaha degaanka ee Shaffeild aadna looga wada hadlay arimo fara badan oo ku saabsan Somaliland.

Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu ku fadhiistay kursigii ugu muhiimsanaa ee golaha degaanka shaffield, Waxa uuna dubaha ku dhuftay madashii Somaliland lagu ictiraafay ee ugu danbaysay markii go’aanku soo baxay.

Intaa kadib waxa  gudoomiyaha iyo xildhibaanadii reer Somaliland ee la socdayba ay saxeexeen waraaqdii aqoonsiga Somaliland.Waxa kulanku kusoo dhamaatay guul iyo horumar mar labaad usoo hoyday Somaliland.

Salaanmedia/Sheffield 

24 23 22 21 20 19 18 17 16 15 14 13 12 10 9 8 7 6 5 4 3 2 1