Wefti Xukuumadda Somaliland U Dirtay Ka Qayb-galka Xuska 18-May Ee Dalka Ingiriiska UK

Weftiga 18-ka MayHargaysa (SM) Xukuumadda Somaliland ayaa Wefti ballaadhan u dirtay waddanka Ingiriiska, weftigaas oo kala qayb-gali doona qurbajooga reer Somaliland ee ku dhaqan guud ahaan gobolada UK, xuska munaasibadda 18-May.

Weftigan oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Maayarka magaalada Ceerigaabo Md, Ismacill Xaaji Nuur Faarax iyo Xoghaya Wasiirka Madaxtooyada, Md. Sharmaake Axmed Muxumed, ayaa qaban qaabada soo dhawayntooda maalmihii u dambeeyey laga dareemayey dalka UK iyo guud ahaanba qaarada Yurub.

Sidoo kale wafiga ayaa waxaa qayb ka ahaa, Labada Jilaa ee aadka ugu caanka ah qosolka oo magacdoodu Mudooyinkii u dambeeyey ka dhex muuqatay madadaalinta dadka ku dhaqan Jamhuuriyada Somaliland, kuwaas oo kala ah Sooraan Iyo Jawaan, iyadoo la filayo in ay kaalin wayn ka qaadan doonaan wacyi gelinta loo samayn doono Xuska 18 MAY ee fooda inagu soo haysa.

Weftiga ayaa ka-hor intii aanay ka dhoofin Madaarka Hargeisa waxa warbaahinta la hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gudida qaadhaan ururinta waddada iska xidha Burco iyo Ceerigaabo, isla markaana ah Xildhibaan ka tirsan golaha sharci dejinta, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle, isagoo si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay dalka iyo dadkaba u leedahay hirgalinta iyo dhismaha Waddada Ceerigaabo, wuxuuna Mud. Talyaanle Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uga mahad celiyey sida uu dabaal dega 23 aad ee Xuska qaranimada Somaliland ugu asteeyey qaadhaan ururin loo sameeyo jidka Ceerigaabo.

Dhanka kale waxaa hadalo mahadcelin iyo guubaabo ah uu u soo jeediyey qurbo jooga Jamhuuriyada Somaliland Duqa Magaalada Ceerigaabo Mudane Ismaacil Xaaji Nuur Faarax, isagoo sheegay in qurbo Jooga reer Somaliland ay hadda ka horna dalka wax badan ka qabteen imikana la taagan yahay xiligii ay xooga dul dhigi lahayeen maal iyo muruq ba Waddada Ceerigaabo.

Maayarka magaalada Ceerigaabo Mudane Ismaacil Xaaji Nuur Faarax ayaa cod dheer ku sheegay inay dhammaatay wakhtigii afka laga hadli jiray ee ay maanta marayso Daawanaayow Waa Dalkaagii.

Weftigan ayaa la filaaya inay ka sii gudbaan waddanka Itoobiya, iyagoo u sii dhaafaya waddanka Ingiriiska. Sidoo kale la filaayo inay socdaalo ku maraan waddamo ka tirsan Qaarada Yurub. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hore ugu asteeyay in xuska munaasibada 18-May ee sannadkan halku-dheg looga dhigay dhismaha wadada isku xidhaysa Burco iyo Ceerigaabo.

Salaanmedia/Hargaysa