Hal-abuur Zahra Maxamed Caydiid Oo Soo Saaratay Gabay Ku Waajahan Dhibka Loo Gaysanaayo Somalida Degan Dalka Kenya.. Kuna Iftiimisay Gabaygan Dhibku Meesha uu ka imanaayo.

Abwaan Zahra Maxamed Caydiid Ayaa Soo Saartay Gabay La magac baxay “Hooyada la dhibaayo”. Gabaygan oo Curtay (15.04.2014) Ayaa Wax uu curtay kadib markii ay aragtay dhibaatada Ba´an ee lagu hayo Maatida Somaliyeen Ku nool Dalka Kenya, Kadib markii Ay dhibkaas Xamili wayday ayey Door biday in ay gabay ku muujiso dareenkeeda.

Sahra caydiid

Waxay tidhi:-

  1. Hooyaddaa la dhibayee dhalankeedii weydee dhuumanaysa sida tuug ee sida dhuxusha loo raray Ilmadii dhamaysee cidi aanay dhawrayn dhiigaygii  i kicisoo dhulka jiifi waayee Somaalaay ma dhugateen dhabta mayla argteen mise waa dhan qudha oo dhufays baad galaysaan.
  2. Hooyadda waxaa dhibay qaxoontiga ka wada dhigay waa mid ay u dhaxdiyo mid ay dhabar ku qaadiyo mid ay la dhalatoo kuligood is dhaaminoo dhugta weli dareemayn.
  3. Dagaal iyo colaadiyo qabiil daba wareego dugsanaaya cadawoo ubadkoodii didiyoo haweenkii darnyiyo Dal shisheeye geeyo dacawgiyo waraabaha ubadkoodi daajo darajana ku sugayoo Dunidaynu maanta joogniyo duruufahaba garanoo dadkale u shaqeeyoo dariskoodu maaloo danihiisa gaarka  ah kolaba daaqad ugu fura, dagaal foodle uu badoo dabaka hoosta kaga shidoo ku dejiyo dalkiisoo, ku daajiyo dadkiisoo .
  4. Hooyada dhibaatiyo Dhadhaab iyo dhaxantiyo kolba dhinac u carariyo dhalaankeeda lumiyoo  South Africa dhaciisiyo dhafarka iyo Saxaraha Liibiya dhuljiifkiyo, jeel laysku dhiga iyo, Bada lagu dhamaadiyo faro layska dhiga iyo baraf lagu dhex meeriyo dhagixiyo Dumaayi iyo Baastada dhacaysiyo, Caanaha dhanaaniyo Gaajada dhuljiifka ah.
  5. Hooyadda waxaa dhibay oo dhibtaasoo dhan waxaa baday waa mid ay u dhaxdiyo mid ay dhabar ku qaadiyo mid ay la dhalatoo dhugta weli dareemine.
  6. Inta Hooyo debed iyo darxumo ku nooshay dacawgiyo waraabuhu dayeerkuba ha soo kaco ha ducduucdo xoolaha, idinkaa is diiday sidii dayra cawshii kolba haydin didiyaan sidii dayri waa sakaaro ah dabin haydin geliyaan, sidii adhi la daayacay haydin kala dareershaan inaba duleed ha gaayaan markaad wada dareertaan debadaha u dhooftaan Afka Hooyo dhumisaan dhulka hayska qaataan.
  7. Zahra M. Caydii