Nicholas Kay Oo Cambaareeyay Dilalka Xubnaha Baarlamaanka Ka Tirsan iyo Wariyaasha (War-saxaafadeed)

Nicholas-Kay-ergeyga-gaar-ka-ah-ee-Qaramada-Modoobey-u-qaabilsan-arrimaha-SoomaaliyaApr 21. 2014 Muqdisho(SM) – Ergyaga Gaarka ah ee Qaramadda Middobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay dilka loo gaystay Abdiasiss Issaq Mural oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed iyo Marxuum Isaaq oo saaka lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Mursal waa mudanahii labaad ee lagu dilo Muqdisho in ka yar 48 saacadood gudahooda. Mudana kale oo la yiraahdo, Isaaq Maxamed Riino ayaa shaly la dilay.labada dilba waxaa sheegtay Al-shabaab.

“Waxaan aad uga xumaaday dilka Mudane Abdiasis Isaaq Mursal, Waxaana si adag u cambaaraynayaa dilkan. Waxaa kale oo i xanuunjiyay dil kale oo xalay magaalada muqdisho loogu gaystay wariye. Warbaahinta waa in loo ogolaadaa in ay howshooda u wataan si aan cabsi ku jirin”, ayuu yiri SRSG Kay.

Dabley aan heebtooda la garanaynin ayaa dilay wariye u shaqaynayay Raadiyaha Dalsan, Muxamed Xassan Amar, waxaana fiidnimadii xalay lagu dilay suuqa Bakaaraha.

“Waxaaj,j, n ka walaacsanahy weerarka ka soo cusboonaaday maalmahan Muqdisho.waxaa naga go’an in aan sii wadno taageeridda aan u hayno dadka Soomaaliyeed iyo wakiiladoodaba maadaama ay ugu howlanyihiin xaqiijinta rabitaankooda iyo kan dadkoodaba, taas oo ku aadan sidii ay ku gaari lahaayeen mustaqbal ay ku dheehantahay xasilooni iyo degenaasho”

“Dadka mas’uulka ka ah dilalkan arxan la’aanta ah , ma hayaan wax kale oo ay u siiyaan dadka Soomaaliyeed oo aan ka aheyn in ay sii wadaan qaska iyo ammaan daridda. Waxaan ugu baaqayaa dowladda in ay si dhaqso ah u baarto weeraradan una hor keento maxkamad Dembiilayaasha sida ugu dhaqsaha badan, ayuu yiri Ergaygaa Gaarka ah.

Ergayga Gaarka ah waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii iyo saaxiibadii Mursal iyo Amar, sidoo kalena waxa uu tacsi u dirayaa baarlamaanka Soomaaliyeed, iyo bahdda war- baahinta Soomaaliyeed.

Salaanmedia/Mogdisho