Dilaalisti​i Dekeda Berbera oo soo Laba kac-leysey kadib markii Xafiis cusub oo Maalgashi ku magacaaban Xukuumadu ka furtey Wadanka Ethiopia . Qalinkii A/rahman fidhinle

maqaal

Warar naga soo gaadhey ilo-wadareedyo looga qaateen ah oo wararkooda mar walba loo wan-qalo, ayaa noo xaqiijiyey in wasiirka arimaha debeda ee Xukuumada Siilaanyo uu dhawaan ka furey dalka Ethiopia  xafiiska Maalgashiga iyo Dilaalista Kheyraadka maguuraanka ah ee JSL. Xafiiskaa oo la isku raacey in uu yahay xafiis dilaalis ah oo isaga shaqsi ahaan ku kooban. Waxaa ilo-wadareeryadaasi ay ka dhawaajiyeen in xafiiskan shaqadiisa koobaad ay noqon doonto  sidii loogu fududeyn lahaa shirkada Bollare ee Fransiiska ah ee iyadu geedka gaaban iyo ka dheerba u-fuushey tobankii sanadood ee u-danbeysey sidii ay maamulkeeda iyo maareynteedaba ay ula wareegi laheyd Dekeda Berbera oo ay u-aragto shirkadaasi

Dekeda Berbera mid ku taal  wadan yar oo dayacan oo aan ictiraaf haysan (soft touch ) Taas oo uu dhawaan Wasiirka arimaha debeda ee JSL uu isagu badaba ka riixaayey isaga oo la kaashanaayey wasiirka Maaliyada ee dawlada Ethiopia sidii ay shirkadaas Bollare ay dhakhso ula wareegi laheyd Maamulka iyo maareynta Dekedda Berbera , Taas oo ay isaga shaqsi ahaan ay ugu badinayso oo ay ugu  jirto Dillaalis buuran oo cir ka soo dhac ahi.

 

Waxaa la socoteen in koox uu hogaaminaayey Wasiirkii hore ee Ganacsiga Maalgashiyaga iyo iskaashiga Caalamigu Mr Abdillahi Omar ay booqasho u-kuur gal ah ay ku booqdeen Sadex (3) dal oo African ah oo ay ka hawlgasho Shirkadaa Faransiiska ah ee Bollare ,

Taas oo ay soo ogaadeen in shirkadani ay mar walba diiradeeda saarto oo keliya wadamada yar-yar ee aqoondarada iyo faqiirnimadu ragaadisey taas oo Sirkadaasi  ay marwalba waxa ay haystaan Dekedaha wadamadaasi uun isugu cel-celisa. Caalamkana  maalgashi buuran kaga qaata, taas oo aan usoo kordhin wadamadaas wax buuran oo dhaqaale ah oo la taaban karo. Waxaa gudidani ay Somaliland kula soo guryo noqdeen in aaney haba yaraatee shirkadan BOLLARE ee  faransiiska ahi aaney JSL marna  dan u-aheyn in ay Maalgashadaan Dekeda Berbera maadaama balaadhinta Dekeda ka sokow aaney marnaba inoogu dareyn Deked cusub oo Xoolaha u-gaar ah iyo Deked cusub oo kontainarada ugaar ah iyo weliba Suuq free port ah oo ganacsi balaadhan oo mandaqada iku xidhaa aanu la socon. Waxaa gudidaasi ay ka dhawaajiyeen in ay hada Jiraan Laba shirkadood oo kale oo diyaar u-ah in ay qiime ka sareeya ka BOLLARE ay ku

maalgashadaan Dekeda Berbera Shirkadahaas oo  midina ka soo jeedo Wadanka Sacuudi Arabia iyo mida kale oo iyaduna aad ula dhacsan in ay maalgashato Dekeda Berbera oo iyana ka soo jeeda wadanka  Khaliijka ee UAE. Waxaana ay gudidaasi ay isku raaceen in labada Shirkadood ee Carabta ahi ay kaga kalsoon yihiin in ay maalgashadaan Dekeda Berbera. Markii uu maqley arintan xaqiiqda ah Wasiirka arimada debeda ee Somaliland ayuu Ganafka ku dhuftey go,aankii gudidaas taas oo uu weliba qaar ka mid ah uu gudidii ka saarey, ka dibna uu gudi cusub iyo Xafiis cusub uu ka furtey Ethiopia.

 

Xafiiskan cusub ee ugubka ku ah siyaasada arimaha debeda JSL ee hada la magacabaxdey ( Economic Diplomacy ) ayaa sabab looga dhiyagayaa in ay keentey khilaafkii ay dhawaan deeradu kala dhex miratey Wasiirka Wasaarada Arimaha Debeda ee JSL Mr Biixi iyo Wakiilka JSL ufadhiya Ethiopia Mr Aden Nux Dhuule. kadib markii uu Wakiilku ku diidey wasiirka in uu wada maamulo labaa xafiis ee mid suuqgeynta iyo Dilaalista ku shaqo leeyahay midina Safaaradii caadiga aheyd uu yahay. Yeelkeede waxaa hada indhaha shacabka reer Somaliland ay ku foogan yihiin bal in hadana loo soo magacaabo safaarada JSL ee Ethiopia  shaqsi darban oo Xasabadii xididkii iyo Xigaalkii uun ah oo isku maamuli doona labadaa Xafiis ee Ethiopia inooga furan iyo in dermada loo fidin doono shaqsi ka soo jeeda beelaha darafyada ee ku shaashoobey xukuumada Siilaanyo ee isnuuga ah.

 

Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)

Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq

Qalinkii A/rahman Fidhinle

Intensive ED BD PA

United Kingdom

London