BAAQ KU SAABSAN SAHAMINTA SHIDAALKA EE DEEGAAMADA BEEL BEELWEYNTA CALI BARE IYO Reeraha ladega

BAAQ  KU SAABSAN SAHAMINTA SHIDAALKA EE DEEGAAMADA BEEL BEELWEYNTA CALI BARE IYO Reeraha ladega

BAAQ

August 28, 2014 Caynaba, Saraar Somaliland

 

Ururka Sool,Sanaag  iyo Saraar ee Beelweynta Cali Bare  (SSSCB) Aqoonyahanka  Beel Weynta   (CALI BARE) Dalka iyo Debadaba

 

Caynaba, Somaliland

 

BAAQ KU SAABSAN SAHAMINTA SHIDAALKA EE DEEGAAMADA BEESHA BEELWEYNTA CALI BARE. Reeraha Ladega

 

Waxgaradka  iyo aqoonyahanka ku baahoobay  Ururka Sool,Sanaag  iyo Saraar (SSSCB)  ee xaruntiisu tahay Magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar  waxa uu baaq udirayaa xukuumada somaaliland baaqaas ayaa waxa uu ku wajahanyahay islamarkaana uu ka dareen celinayaa xaalada deegaama ka tirsan sool, sanaag, iyo Saraar  ku waas oo laga bilaabay sahaminta shidaalka sidoo kale waxay soo dhowaynayaa dadaalkasta  oo ay  xukumadu wado oo Dalka hore loogu marinayo iyada oo lasoo saarayo khayraadka wadanka ku jira

 

Waxaa bishan horaanteedii  hay’adda DNO oo  hawl shidaal sahamin ah ka waday deegaano ka tirsan gobolka sool ayeey qaar sheegteen in ay waxyeelaynkaraan Hayadaha Sahaminta Shiidaanka Somaliland waxa aanu halkan ka sheegaynayaa in aanay jirin cid waxa yeelaynkar taa hayadahaasi madam wadanka ay gacanta ku hayso dowlada owoodlihi degaankana anaga ilaahay nagu beeray.

 

Halkan waxaanu ku Cadaynaaynaa  hadaanu nahay beesha degta degaanka Caynaba, Oog  bohol, dogoble, ceel lahelay, sabawanaag,iyo dhuxulaalay  oo hay’adda DNO ka waday hawl gal dhinaca sahaminta shidaalka, in aanu soo dhowaynayno xukumadana waxaanu u sheegaynaa in bulshada la ogaysiiyo si ay u fahmaan nidaanka waxa loo wado ee ay howshu u socoto si aan Isfahan la aani u dhicin.  .

 

Laga soo Bilaabo 18 May 1991 intii Somaliland la soo noqotay gooni isu taaga Dawladnimadeeda ayaa waxa hubaal ah in aan deegaamo badan oo ka tirsan meelaha ay ka mid yihiin dhulka block-yada shidaalka sahaminta laga wado aaney xukumadihii hore u jirijiray waxba ka qaban, waxaase hubaal ah in ay xikumadani waxbadan ka qabatay deegaankan beeshu degto iyo degaamo kale oo badan

 

BAAQA IYO TAAGEERO KU WEJIHAN DOWLADA SOMALILAND

 

Xukuumadda Somaliland waxa aan ugu baaqeynaa  arrimahan soo socda

 

(1)   Beeshu waxay Soo dhowaynaysaa Hayadaha  Sahaminta shiidaalka ee laga wado deegaanka   

 

Balaadhan ee Beeshu Degto.

 

 

 

(2)   In xukuumaddu halkaa ka siiwado horumarka ay ka hirgalinayso degaanada ay degto beeshu iyo degaanada kale ee somaliland ba.

 

 

 

(3)   In waxgaradka Beesha ee  deegaamadaasi wax laga weydiiyo dhulkaas ay ka socoto sahaminta shidaalka iyo da oo mudnaanta la siinayo Beesha degta deegaanka  maadaam dhaawacii  ugu cuslaa soo gaadhay xiligii xoraynta dalka.

 

 

 

 

 

(4)    In wasaaradda tamarta iyo macdantu ay bulshada degaanka ka qeyb geliso shaqo kasta oo deegaankooda laga qabanayo.

 

 

 

(5)   In xukuumaddu ay sameyso wacyigelin ku saabsan Dawladnimada oo bulshadda lagu wacyigeliyo nidaamka iyo habsami u socodsiinta mashaariicda horumarineed ee deegaamadooda loo fulinayo iyo in muwaadin kasta ay waajib ku tahay in uu ilaaliyo xasiloolida iyo kala danbeynta.

 

 

 

(6)    In xukuumaddu si degdeg ah wax uga qabato arrimaha ay ka mid yihiin dhamaan arrimaha aas aaska u ah noloshada bulshada oo aad  u liita waqtigan taagan sida: caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, iyo xoojinta Amniga , waxa aanu baaqayagan ku cadaynaynaa in si degdeg ah deegamaaas xukuumaddu uga dhisto dugsiyo sare , MCH-yo caafimaad iyo weliba biyo dhaamis loo sameeyo bulshadaas oo abaar xooglihi hayso sidoo kale in ceelal cusub loo qodo oo mashaariicda biyo soo saarista ee dalka socota wax laga siiyo deegamaas.

 

BAAQ KU WEJIHAN BULSHA WEYNTA CALI BARE IYO REERAHA LADEGA .

 

Ururka Sool,Sanaag  iyo Saraar ee Beelweynta Cali Bare  (SSSCB) Waxa  uu baaq u jeedinayaa bulshada ku dhaqan deegamada Sool iyo Sanaag Saraar  ee Beelweynta Cali Bare  iyo reerha kale ee la dega  Qodobadan Hoos ku Qoran.

 

(1)   In Beelweynta Cali Bare iyo reeraha ladegaan ay ogaadaan in dalka iyo dawladda aad idinku   

 

leedihiin uuna yahay dalkii aad naf iyo maalba u soo hurteen xiliyo kala duwanaa maanta ay haboon tahay in  aad ilaalisaan nidaamka iyo nabadgelyada guud ee Qaranka Somaliland.

 

 

 

(2)   In  Beelweynta Cali Bare iyo reeraha ladegaan soo dhaweeyaan cid kasta oo wada  

 

mashaariic horumarineed oo ka fulinaysa deegamadiina.

 

 

 

(3)    In Beelweynta Cali Bare iyo reeraha ladegaan  u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada horumarinta deegaamadooda iyo hirgelinta himilada qarank Somaliland  leeyahay ee horumarinta iyo khayraad soo saarka  ah ee mustaqbalka iyo in Somaliland aqoonsi buuxa Beesha Caalamka.

 

Sidaas iyo Nabadgelyo

 

Gudoomiyaha Ururka Sool,Sanaag  iyo Saraar ee Beelweynta Cali Bare  (SSSCB) Aqoonyahanka  Beel Weynta   (CALI BARE) Dalka iyo Debadaba.

 

Dr. Saciid Muuse Xasan

 

Tell: 063 4367623

 

WABILLAAHI TAWFIIQ ALLAAH BAA MAHAD LEH