TABASHADA Qayb Kamida Nuxurka Qoraal Ay Madax-dhaqmeeyada Gobolada Galbeedka Somaliland U Gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo (AKHRISO)

TABASHADA Qayb Kamida Nuxurka Qoraal Ay Madax-dhaqmeeyada Gobolada Galbeedka Somaliland U Gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo (AKHRISO)

images

Aug 30, 2014 Hargeysa(SM) –  Oday-dhaqameedyada gobolada galbeedka Somaliland  oo tiradoodu dhan tahay 25 ayaa muddo todobaad ah ku sugan magaalada Hargeysa, iyagoo u yimid Ballan ay hore ula lahaayeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo si ay ugu soo bandhigaan tabashooyin isgaadhay oo ay ka tabanayaan maamulka Somaliland. Oday-dhaqameeyada ayaa madaxweynaha u gudbiyay qoraala ka kooban dhowr iyo labaatan page oo qeexaya ndaamaka cadaalada darada ka jirta Somaliland.

JAMHURIYADA SOMALILAND

Boorama,

23/07/2014

HOGAANKA DHAQANKA EE BEELAHA GEDABUURSI

Ku: Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland

Mudane Dr.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Warbixin

Mudane Madaxweyne anagoo ku hadleyna magaca ummada ku nool goblada Awdal iyo Salal waxan kuu soo gudbineynaa salaan annagoo kugu salaameyna salaanta islaamka asalamu calaykum waraxmatullahi waxan allaha awooda badan kaaga baryaynaa cimri dheer iyo caafimaad qab ummada somalilandna nabadgelyo midnimo iyo horumar waxan kale oo aan ilaahay kaaga rajeyneynaa inuu xilkaad hayso kugu asturo.

Mr.president waxan si xushmad iyo sharaf leh kuula socdsiineynaa in safarkayagan shaqo aanu ahayn kii ugu horeeya ee nuuciisa ah ee duqey iyo waxgarad ay u yimaaden madaxeynaha dalka waase markii ugu horeysay ee aan annagoo gobol ahaan isku dhan aan nimaadno magaalo madaxda dalka ee hargeysa si aan kulan kuula yeelano, iyadoo booqashadayadu kusoo beegantay waqti xasaasi ah oo ay tahay in ummadda Somaliland ay adkeeyaan midnimadoda iyo wadajirkooda xoogana saaraan ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida dadweynaha.

Mudane madaxweyne annagoo ah hooyadii iyo aabahii Somaliland wax aan wax la aqbalin Karin ah xaaladaha ka taagan meelo dalka ka mida oo joogto lagaga baaqayo isbahaysiyo magacyo qabiila oo wax u dhimeysa midnimada ummada iyo jirtaanka qaranimada taasi oo ay calanka u sidaan kooxo siyaasada ku margaday oo ay la tahay inay sidaa ugu badineyso balse ka shaqeynaya inay dalka ka aloosaan xasarad iyo dagaalo sokeeye oo dalka u horseeda xaalad la mida tan ay ku sugn yihiin allaha ka saaree walaalahena Somalia.

Mudane madaxweeyne xukuumadan maanta aad gadhwadeenka ka tahay markay garwaaqsatay taariikhda dahabiga iyo muhiimada ay beelaha awdal u leeyihiin jiritaanka qaranimada Somaliland iyo dawrkii shariifka ahaa ee ay kasoo qaateen abaabulkii, nabadayntii iyo ebyidii jamhuuriyada Somaliland, sidoo kale samirkii badna ee umadu ugu soo dhabar adaygtay dhibaatooyinkii soo gaadhay iyo wax ka qabad la’aanta tabashooyinka saami qaybsi iyagoo ahaa:-

  • Kuwii dhisay Somaliland ee doorka weyn ka qaatay najaxintii shirkii burco 1991
  • Kuwii abaabulay shirarkii nabadeynta berbera ,sheik,burco , hargeysa iyo beelaha galbeed.
  • Gobolkii dawladnimada Somaliland bilaabay ee shirkii borama 1993 hirgiliyey
  • Kuwii hormood ka ahaa nabadeyntii beelaha dhexe iyagoo naf iyomaalba u huray soo afjaridii xasaradihii ka oogmay hargeysa , berbera ,burco iyo meelo kale.
  • Wax garadkii umada u horseeday jaamacido,wadooyin,dugsiyo wax lagu baro dhagoolayaasha,horumarinta adeega bulshada iwm.
  • Iyagoo waxkasta oo dhib ah oo soo gaadha ku samray dal iyo dad jacayl.

Mudane madaxweeyne waxaad qaaday talaabooyin horumarineed oonu u aragno inay dadka usoo halgamay dhismaha Somaliland u noqonayso talaabo uu xaga fiican u qaaday dhiiri galina u noqonaysa umada awdal sida kuwa kale ee soomaliland ee jecel dalkooda iyo dadkoodaba. Waxa xusid mudan guulaha la taaban karo ee aad fulisay oo taariikhda gali doonta haday siday tahay u hir galaan, waxa ka mid ah mudana in la xuso:-

  • Dhagax dhigga dakada lughaya
  • Dhagax dhigga wadada borama-lawyacado.

Sidoo kale waxa lama iloobaan ah qaybta libaax ee xukuumadaadu ka qaadatay wadada dila- boorama oo xukuumadu inta badan ay dhistay.

Mudane madaxweeyne anagoo maskaxda ku hayna waxqabadka xukuumadaada oo ay mudantahay in aan kugu bogaadino bacdamaa la yidhi ninka aan dadka u mahad celin ilaahayna uma mahad celiyo hadana taasi macnaheedu maaha in aanay tabasho jirin.

Borama oo ah magaalo madaxda beelaha galbeedka Somaliland markii lagu dhisay 1993 dawladii ugu horeysay ee dimuqraadi ah waxay waxgaradkan beelahan ku tashadeen in xooga saaraan dhismaha dawldnimo balse aanay ku xisaabtamin saamigii dawlidnimo ee ay xaqa u lahaayeen bacdamaa marti loo ahaa kuna dadalayeen muddo 6 bilood si ay u najaxi lahayd dhismo dawladnimo oo bilow ah iyadoo ay xasaradi iyo ismaandhaaf ka taagnaa garabyadii siyaasaded iyo milatari ee ururkii snm .

Sidoo kale watigii madaxweyne rayaale oo ka soo jeeday galbeedka Somaliland u hayey madaxweynenimada Somaliland waxa markale lagu tashaday inaan lagu xisaabtamin saamiga dawladnimo ee beelaha gedabursi xaqa u leeyihiin bacdamaa ay hogaaminayaan dalkan kursigii ugu sarreeyey uu ku fadhiyey madaxweyne rayale oo ay tahay in beelaha kale ee somalilnad uu iska xilsaaro tabashadooda.

Hadaba mudane madaxweyne maanta oo ah xilligii ugu haboonaa ee aan si mug leh u soo badndhigi lahayn tabashadayada xaqiiqada ku dhisan maadaama uu dalkii dhismay nabadgalyo balaadhana ku jiro dalkana uu madaxweeyne ka yahay rug cadaa siyaasadeed oo dalka iyo dadkaba xogogaal buuxa u ah hormuudna ka ahaa xoreyntii iyo dib u dhiska dawladnimada Somaliland annagoo kalsooni buuxda ku qabna wax ka qabashada tabashooyin saami qeybsiga dawladnimo kow ka tahay

Mudane madaxweeyne waxa xusid mudan israacii 1960kii ee labada gobol mushkaladaha la isku raacsanyahay ee keentay lasoo noqoshada madaxbanaanideenii waxa ugu waynaa cadaalad daradii aanu kala kulanay somaliya dhinaca awood qaybsiga inagoo la xuquuq noqonay gobol ka mid ah kuwii koonfurta.

Mudane Madaxweeyne taariikhdu iyadaa isa soo celise eh(history repeats it’s self) halkeebay reer awdal kaga jiraan saami qaybsiga dawladnimada Somaliland?

In ku dhaw 25 sano ama rubuc qarni ee Somaliland jirtay waxa dawlada Somaliland ka taagan arimo la mid ah kuwii saldhiga u ahaa lasoo noqoshadii dawladnimadeenii taasi oo beesha dhexe ka dagaalantay dalkana ka xoreeysay nidaamkii soomaliya ee duudsiyey xuquuqdii goboladii woqooyi ee soomali weeyn doonisteeda uu la midoobay koonfurtii.

Hadaba aan is waydiinee wixii shalay ay beesha dhexe ay ka dagaalantay ma ku haboontahay inay walaalahooda Somaliland u quudhaan gaar ahaan awdal oo ah rukunka u wayn ee dawladnimada Somaliland kuna dhaqaan sawir la mid ah tii soomaaliya ay Somaliland kula macaamilaysay,bal u fiirso isku eekaashahan aan la dafiri Karin:-

Saamiga dawladnimo ee koonfurtu ay siin jirtay Somaliland waxay u dhigmaysay inta gobol ama ardaa ka mid ah koonfurtu qaadanaysey.

Sidoo kale markale u fiirso :- dadka gobolka awdal waxa ay soomaliland siisaa wax u ka yar inta uu qaato ardaa ka mid ah ardaayada beesha dhexe iyadoo xilalka muhiimka ee dawladnimana aan waxba laga tixgalin beesha awdal iyo salal.

Hadaba sida ku cad shaxdan hoos ku qoran oo muujinaysa in beesha awdal tixgalin ku lahayn saami qaybsiga dawladeed oon u aragno arin lagu duudsiyey xuquuqdayada saami qaybsi waa sida tan hoos ku cad

No

Hayadda

Isaq

GBS

Others

Isugeyn

1

G.wasirada

26

05

12

43

2

Ag.wasirada

20

04

04

28

3

Madaxda hayadaha dawladda

38

03

02

43

4

A.waaxaha wasaaradaha

97

14

08

119

5

G/guurtida

45

10

27

82

6

G/wakiilada

56

13

13

82

7

Wakiilada debedda

10

03

00

13

8

M.cashuuraha beriga

11

00

01

12

9

M. kastamada

07

01

02

10

10

M. Bangiyada

07

01

04

12

11

Badhasaabada

08

01

04

13

12

H .ciidanka Boliska

20

01

02

23

13

H .ciidanka qaranka

32

09

02

43

14

T. qaybaha boliska

12

03

03

18

15

Madaxda.c.Asluubta

31

02

05

38

   

420

70

89

579

BOQOLKIIBA INTA LA KALA LEEYAHAY

ISAQ

GEDABURSI

OTHERS

73%

12%

15%

Mudane madaxweyne waxan si xushmad iyo sharaf leh kuula socodsiineynaa in gobollada awdal iyo salal ee beelaha gedebuursi ku nool yihiin ay ka hawlgalaan madax iyo shaqaale u badan gobollada kale ee Somaliland halka aanay jirin ama ay yar yihiin madax iyo shaqaale ka soo jeeda awdal salal oo lagu meeleyay gobollada kale ee Somaliland sida ku cad shaxda hoos ku qoran

Eeg shaxda hoos ku qoran:

Wasaarada maaliyada ee Gobolada Galbeedka.

  1. Kastanka saylac
Tirade guud ee shaqaalaha 22 qof

Maamule- beesha dhexe( H/jeclo)

Maamule xigeen beesha dhexe(c/abokor)

Shaqaalaha 18 beesha dhexe

2 beesha awdal

  1. Kastanka asho-cado

Tirada guud ee shaqaalaha 14

Maamule : beesha dhexe Jibril abokor

Maamule xigeen :ciise

Tirade shaqalaha 12 beesha dhexe

Beesha awdal 0

  1. Kastanka lawyacado

Tirade guud 9 qof

Maamule : ciise

Maamule xigeen: beesha dhexe

Beesha awdal 0

Ciise 1

Shaqaale 8 qof

  1. Kastanka xariirad

Maamule : ciise

Shaqaale 4 ciise

Beesha awdal :0

  1. Ciidanka ilaalilnta cashuuraha

t.saylac : isaaq

t.ashacado ciise

t.lowyacado isaaq.

Samaroon 0

  1. Poliska

Taliyaha qaybta :beesha dhexe(arab)

t.xigeenka: ciise

t.saldhiga : beesha dhexe(H/jeclo)

  1. Imigrationka lawyacado

Shaqaale 15 qof

Taliyaha Beesha dhexe(cida gale)

t.xigeen: Beesha dhexe(sacad muuse)

2 askari samaroonAWDAL

  1. Xisaabiyaha dawlada ee gobolka awdal
  2. Maamulaha bangiga borama
  3. Xeer ilaaliyaha gobolka
  4. Gudoomiyaha maxkamada racfanka
  5. Gudoomiyaha gobolka awdal

Sacad muuse

Gurgure

Wargsangali

H/jeclo

H/jeclo

  1. Maamule ku xigeenka kastmka
  2. Maamulaha cashuuraha bariga

H/jeclo

H/jecloMaroodi jeex

  1. Kastamka kalabaydh

Shaqaale 28 qof

Maamule Beesha dhexe(cida gale)

26 shaqaale beesha dhexe

  1. Kastanka wajaale

21 qof

Maamule beesha dhexe( sacad muuse)

Beesha awdal 0

  1. Kastanka abaarso

17 shaqale

Maamule beesha dhexe (arab)

Beesha awdal 0

  1. Kastanka hargaysa

Total 34

Maamule isaaq (H jeclo)

Maamule xigeen (beesha awdal)

Shaqaale 32 beesha dhexe

Samaroon 0

  1. Cashuuraha bariga hargaysa

Maamulaha gobolka beesha dhexe

5 Degmo maamukooda beesha dhexe

Shaqaalaha degmooyinka 109 qof

Isaaq beesha dhexe 101

Beesha awdal 8

  1. Cashuuraha bariga hargeisa

11 rugood

11 Maamule isaaq

  1. Kastanka berbera ( saaxil)

Totalka shaqaalaha 71 qof

Maamule beesha dhexe (arab)

m/xigeen ciise muuse

69 shaqaale beesha dhexe

Samaroon 0

Laamaha ciidanka taliyeyaasha ciidanka booliska ee salal

  1. Taliyaha qeybta
Habar yoonis
  1. Taliyaha saldhiga Saylac
Sacad muse
  1. Talliyaha ciidanka turubatariyada
Arab
  1. Talliyaha turubatariyad caasho cado
Ciido gale
  1. Taliye xigeenka turbatariyada
Jibri abokor
  1. Taliyaha turubatariyada ee lowyacado
Jirbi abokor
  1. Taliye xigeenka turubatariyada lowyacado
Habar jeclo
  1. Madax jeekinka ee turubatariyada saylac
Jibri abokor
  1. Shan kale oo ka hooseeya ilaalinta cashuuraha
Sacad muse

Fiiro gaar ah:

Madaxda iyo shaqaalaha ku meelaysan Gobolka salal boqolkiiba sagaashan in kabadan waa isaaq oo u badan sacad muse iyo arab halka ciise iyo gedebuursi ay yihiin in ka yar boqolkiiba toban taasi oo ay fuliyeen wasiirka maaliyada iyo taliyaha booliska Somaliland intii ka danbeeysay doorashooyinkii golaha deegaanka degmada saylac.

Madaxda iyo shaqaalaha gedabuursi ee ku meelaysan gobollada kale ee dalka:

ü Badhasaabka Gobolka saxil

ü Taliyaha qaybta booliska sool

ü Maamule ku xigeenka kastanka Hargeysa.

ü Labo Sarkaal oo ka tirsan immagrationka Hargeysa

Waxa kale oo xusid mdan in aan shaqaale lanoo qorin muddadii xisbiga kulmiye talada dalka ku guuleeysaty gaar ahaan wasaarada maaliyada sida ku cad shaxdan

Wasaarada maaliyada

Tirada shaqaalaha wasaarada maaliyada waqtigii udub 436 qof
Maxamed xaashi wuxuu qoray 176 qof oo isaaqa 176 qof oo isaaqa
Cabdicasis samale wuxuu qoray 734 qof oo isaqa oo mushaa qaata iyo 5 qof oo gedabursi ah
Shaqaale temporary ah 47 qof isaaqa

Qodobo kala duwan

  1. Waxan aaminsanahay in dalka jabuti qaxooti innagaga maqan aanay jirin hadiise ay wax uuni jiraan cid kasta ha ahaadeene waxan ku talineyaa in lagala tashado dadka wada dega deegaanada lagu celinayo ee ay sheegtaan inay hore uga qaxeen si looga fogaado dad cusub in lagu beero deegaano aanay horay uga qaxin ee lagu doonayo dhul ballaadhsi taasi oo wax u dhimi karta xasiloonida iyo nabadgelyada dalka.
  2. Waxa si nasiib darro ah u dhacday dadkii xaalado nabadgelyo uga qaxay gobolka awdal sannadihii 1990-1991 markii la soo ceshay inaan dib u dejin loo sameynin sidii kuwii beelaha dhexe ee lagu magaaleyey gobollada togdheer iyo marood jeex. Waxan ku talineynaa in dadkaasi oo eheladooda ku dul nool qaarna ku tacdareysan yihiin meelo kale duwan oo salal/awdal in dib u dejin loo sameeyo si noloshood loo daryeelo

Caafimaadka

Shaqaalaha caafimaadka ee gobollada awdal iyo salal waxa ka maqan gunnoyin muddo sannada, kaddib markay gobollada ka qaxeen hayadihii gunneyn jiray sida coopi ,world vision iyo kuwa kale , waxan codsanaynaa in loo raadiyo hayado xarumaha caafimaadka ee gobolka ka caawiya adeega caafimaad iyo gunoyin ay shaqaaluhu ku shaqayn karaan.

Sidii uu wasiirku madaxtooyadu ugu qorsheeyey gunno si dag dag ah u helaan shaqaalaha caafimaadka markuu arkay xaalada lasoo deristay , waxan taageereynaa qorshahasi si looga samato baxo xaalada qalafsan ee xarumaha caafimaadka gobollada awdal iyo salal sidoo kale xarumaha gobolka iyo degmadu ee wasaarada caafimaadka waxay ka aradan yihiin gaadiid caafimaadka oo loogu adeego iyo ambulance loogu gurmado bukaanka.

 Dad La Qabqabtay

Mudane madaxweyne waxa la yaab ku noqotay ummadda degan Awdal iyo Salal dadka muwaadiniinta oo sida joogtada ah looga qab qabto magaalada Boorama loona soo gudbiyo magaalo madaxda Hargaysa ugu danbeeyna loo gacan galiyo dawladaha jaarka sida Jabuti arrintasi oo aan ka dooneyno jawaab cad oo ku saabsan muwadiniinta xaaladooda halkay jaan iyo cidhib dhigeen.

Ciidanka Booliska

Qeybaha saldhigyada booliska ee awdal iyo salal wax ka jirta tirada ciidanka , saldhigyada iyo rugaha booliska oo aad ugu yar iyo imkaaniyaadka hawl fulinta oo ku yar sida gaadiidka , shidaalka iyo qalabka ciidanka.

Deeqaha, Shaqo Qorista Iyo Hayadaha Caalamiga

Waxa saluug xoogani ka jiraa saamiga gobolku ka helo deeqaha waxbarasho , gargaarka raashinka , shaqo qorista shaqaalaha dawlada iyado gobolka guddiga shaqalaha aan xubintii uu lahaa loo wareejay beel kale , sidoo kale gobolka kuma sugno hayado samafal oo caalami ah oo ka qayb qaata horumarka gobolka.

Cabasho ku Wajahan Wasiirka Waxbarashada.

Mudane madaxweeyne waxan si xushmad leh kuugu soo gudbinayaa cabasha ku wajahan wasiirka waxbarashada marwo samsam oo faragelin weyn ku haysa xuduud goboleedyada soo jireenka ah ee u dhexeyn jirtay degmooyinka hargeysa iyo borama oo ay degmooyin kaleeto ka farcameen iyadoo shiishka ku haysa tuulooyinkii ismaan dhaafku muddada ka jirey oo ay dadaal ugu jirto in ay ku darto gobolka hargeysa iyago ka tirsan degmada lughaya wasiirka oo ku soo gabbanaysa hawlaha waxbarashada ee deegaanadaasi ay dooneyso in laga maamulo gobolka hargaysa arrintaasi oo wax u dhimi karta sugidda nabadgelyada iyo xasiloonida dadweynaha.

Xubnaha Hogaanka Dhaqanka ee Beelaha Gedabursi

  1. Suldan abdirahman jaamac dhawal ________________________ Gudoomiye
  2. Suldaan xasan xadi axmed_______________________________
  3. Suldaan ibraahim jaamac samatar ________________________
  4. Suldaan Ibrahim cabdi riiraash___________________________
  5. Suldaan muuse sheikh cumar x.cabdilahi________________________
  6. Suldaan nuur axmed jibriil________________________
  7. Suldaan muuse cilmi dugsiiye________________________
  8. Suldaan abshir maxamed ducaale________________________
  9. Suldaan maxamed cabdi xasan________________________
  10. Caaqil axmed cabdi cige________________________
  11. Caaqil axmed suldaan aadan________________________
  12. Caaqil abuubakar daahir jimcaale________________________
  13. Caaqil maxamed jaamac xaddi________________________
  14. Caaqil cilmi faarax wacays________________________
  15. Caaqil cismaan barkhad xirsi________________________
  16. Caaqil xasan muuse cabaase________________________
  17.  Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil