Prof. Samatar Mid Baa Seegtay !!!

Prof. Samatar Mid Baa Seegtay !!!

samatarDhamaan akhristayaasha waxaan idkinku salaamayaa salaanta islaamka SC. Waxaan maanta doonayaa inaan midh ka idhaahdo Prof. Axmed Samatar iyo isbedelada siyaasadeed ee uu kala aaminsanaa. Samatar oo aaminsanaa mabda’a Somali weyn ayaa tartankii doorashii madaxweynenimada ee dowlada somaliya natiijadii ka soo baxday kadib usoo jeestay dhanka somalland, kuna tilmaamay siyaasada koonurta somaliya meel qudhuntay oo bulaacad ah. Wuxuu samatar goobo badan ka sheegay in maamulka koonfurta yaalaa xaaraan yahay oo labada beelood ee kala ah daarood iyo hawiye mooyee inta kale aanay waxba ka noqon Karin. Dulmi badan iyo eex qabiil ayuu ku fasiray samatar inay muqdisho kadaloobto oo aan melena loo dhaafi Karin.

Samatar ayaa ku soo guryo noqday hoygiisii cariga maraykanka, Wakhtiyar kadib, Samatar wuxuu bilaabay inuu cod dheer ku taageero Somaliland, muddo yar kadib wuxuu usoo dhaqaaqay dhankaas iyo Somaliland oo ahayd fursad dahabi ah oo aan abid dib usoo mari doonin kadib markii loo soo dhaweeyay si karaamaysan oo min ilaa Berbera ilaa Boorama lagu soo galbiyay fardo, cagaf iyo gawaadhi intaba. Waxaan ka mid ahaa ardaydii wakhtigaas dhamaysanaysay Jaamacada Camuud, waxaan nasiib u helay inaan la kulmo professorka, waxaa loogu soo dhaweeyay Boorama si baaxad leh oo karaamaysan waxaana dibadaha iyo geedaha fuulay dhalinayaro jeclayd inay Samatar mar uun indhaha ka qaadaan.

Waxay ahayd rajo noo bidhaantay oo ka dhalinyaro ahaan aan u aragnay in Samatar wax badan ka bedeli doono maamulk Somaliland isagoo ka faa’idaysanaya magaciisa iyo aqoontiisa. Mar uu kullan la yeeshay ardayda jaamacadaha ayaa waxaanu weydiinay waxa uu ka qaban doono tabashada reer awdal ka tirsanayaan maamulka qalooca ee Somaliland, wuxuu samatar nagu yidhi wakhti isiiya dhulkana aan soo wado maro dadkana wada dhegayso xukuumadana la kulmo markaas kadib ayaa wixii aan indhahayga kusoo arko ka hadli doonaa anigoo tixgelinaya su’aasha aad I weydiiseen.

Samatar ayaa socod kusoo wada maray dhamaan dhulka Somaliland, markii uu soo dhamaystay socodkiisii dadkii iyo odayadii iyo cidwalbana dhegaystay ee uu gunta soo taabtay, ayuu dib usoo ugu soo noqday halkii uu ka soo hayaamay ee maraykanka. Samatar waxaan ka filaynay in wixii uu soo arkay oo xaqiiqda ku salaysan uu sida ilaahay ku ogyahay uga hadlo isaga oo aan cidna ka gabanayn, hore ayuu uga hadlay wixii uu kusoo arkay muqdiho oo uu afka gacanta iska geliyay. Samatar ayaa bilaabay inuu iska indha tiro xaqiiqdii uu soo arkay, isla markaasna bilaabay inuu amaan joogto ah huwiyo Somaliland isagoo iska dhowraya dhalinyaradiii jaamacadaha Awdal iyo dadkii uu la kulmay wixii ay ku kala yimaadeen.

Samatar mid baa seegtay oo kamuu faa’idaysan kumanaankii kun ee Boorama ugu soo baxay, oo taasi waxay u noqon lahayd inuu Maamulka Hargeysa kula xisaabtamo waxa ku maqan isaga oo haysta rabitaanka shacabka. Isaguna wuxuu noqon lahaa nin miisaan leh oo ladaba fadhiyo, hayeeshee wuxuu ka doorbiday inuu Somaliland si dhib yar oo bilaa shuruud ah isugu dhiibo, maantana waynu ognahay inaan cidi waxba weydiin oo banaanada ka qaylqaylo isagoo kunjeer ku celcielinaya Somaliland Somaliland Somaliland. Markii dambe waxaa noo cadaatay in ninkuba uu watay dan shakhsiyadeed oo uu ahaa xildoon, markii ay Somaliland ogaatay inaanu axsaan ku taageerayn ee uu usocdo tii muqdisho oo kale waa loo aamusay xumaan iyo samaanba oo keligii uun baa meelahaas ka qayl qayla oo laga arkaa shaashadaha tiifiiga.

W/Q: Maxamed Adan (Bisle)
Uganda, Kampala