Xisbigga Waddani Toronto : War-Saxaafadeed- Dilalka Foosha Xun Iyo Dib-U-Dhiga Doorashada

10408641_10152286524166408_4990713378023624045_n10603200_10152286524051408_3402543018957957154_n10647192_10152286523906408_5813350330089344768_n
image

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xisbigga Waddani Toronto : War-Saxaafadeed- Dilalka Foosha Xun Iyo Dib-U-Dhiga Doorashada.

Waxa Kulan Balaadhan Isugu Yimid Odayaasha, Waxgaradka, Haweenka, Dhalinyaradda Iyo Taageeryashaa Xisbiggawaddani Ee Dalka Canada, Gaar Ahaan Toronto. Waxa Si Qoto Dheer Loo Falanqeeyay Dilkii Foosha Xumaa Ee Lagu Khaarijiyay Labada Marxuum Ee Ka Tirsnana Ciidamada Qaranka Somaliland, Rasaatii Lala Beegsaday Dadkii Rayidka Ahaa Ee Mudaaharaadka Salmiga Ah Ku Dhexmaraayay Gabiilay, Iyo Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadda Siilaanyo. Hadaba, Waxaanu Halkan Idiinku Soo Gudbinaynaa War-Saxaafadeed Kasoo Baxay Kulankaas:

image
XISBIGGA WADDANI , Toronto,Waxuu Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaa Qoysaskii , Qaraabadii , Asxaabti , Iyo Ehelkii Ay Ka Baxeen Labada Sarkaal Ee Ka Tirsanaa Ciimada Qaranka Somaliland . Ilaahay Naxriisti Jano Haka Waraabiyo, Enagana Samir Iyo Iimaan Ha Enaga Siiyo. Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Waxa Looga Fadhiyaa Inay Si Dhakso Ah U Soo Qabato Gacan Ku Dhiiglehi Gaystay Dilkaa Fooshaxun.
Waxa Kale Oo Aanu Aad U Xunahay Dadka Rayidka Ah ,Ee U Badanaa Dumarka Iyo Caruurta , Ee Xukuumaddu La Dhacday Rasaasta Nool Ayagoo Mudaaharad Salmi Ah Ku Dhexmarayaa Gabiilay .XISBIGGA WADDNI Wuxuu Arakaa Xad Gudub Distoori Ah Iyo Jareemad Ay Gashay Xukumada Taladda Haysa. . Xisbigg WADDNI Wuu La Xisaabtami Doona Dhagar Qabayaasha Xalaalaysatay Qubista Dhiiga Muwaadiniita Somaliland, Waqti Aan Dheerayna Waxa La Horkeeni Doona CADAALADA , Kii Amray Iyo Kii Ridayba.
Somaliland , Cadow Badan Aya Ku Xeeran .Waxaana Socda Qorshe Ballaadhan “Master Plan “ La Rabo In Lagu Burburiyo. Qorshahaa Waxa Hormood Ka Ah Kooxa Nadiidka Ah , Maamul Goboleedyadda Banadirland , Puntland , Jubaland , Dawladdo Shisheeye Iyo Ha’yado Caalami Ah..
Waxaad Mooda Xukuumadda Axmed Siilaanyo Inay Fududaynso Qorshahaa Balaadhan Ee Lagu Minjaxaabinyaao Qaranimmdda Somaliland.
Doorashada Oo Dib Loo Dhigaa Waxay Dalka Gelinysaa Mugdi Siyaasadeed,Mudaahraadyo Isdabjooga, Khalkhal Nabdgelyo Iyo Iska Horumaad Hubaysan. Waxay God Madow Ku Ridaysa Dimuqraadiyaddi Dalka Ka Hirgashay , Waxaanay Soo Qufaysa Qaab Beeleedkii Laga Gudbay.
Hadaba, Xisibigga WADDANI Ee Toronto, Wuxuu Ku Boorinyaa Madaxwyne Siilaanyo Inuu Doorashada Qabato Waqtiga Uu Xilkeesu Ku Eeg Yahay, Oo Ku Aadan Maalinta Jimcaha , 26th June, 2015 . Shacbigga Somaliland Oo Uu Hogaaminaayo XISBIGGA WADDANI Ogolaan Maayo In Maalina Lagu Darro Waqtigaa Distooriga Ah.
Waa Bilaahi Towfiiq.

GUDDIGA WADDANI, TORONTO.

 

Â