Dagaal Cir iyo dhul ah ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo Mareykan ah oo la sheegay in uu ka bilaabanayo Deegaanada Al-Shabaab ka jooaan Gobolka Sh/Hoose iyo Gobolo kale oo jaar la ah

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa kasocda Dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay wadaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo gacan ka helaya Ciidamo cadaan ah oo la sheegay in ay kasocdaan Dowlada Mareykanka.

somalia_banner

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey ee Gobolka Sh/Hoose Maxamed Xaaji Cismaan ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo gacan kahelaya Ciidamo mareeykan ah ay Qorsheenayaan in ay Duulaan ku qaadaan Deegaanada Al-Shabaab ka jooaan Gobolka Sh/Hoose iyo Gobolo kale oo jaar la ah.

Maxamed Xaaji Cismaan ayaa Warbaahinta u sheegay in dhamaadka bishan la qorsheeyay in Duulaan culus lagu qaadayo Deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan Gobolka Sh/hoose gaar ahaan Degmada Baraawe iyo Degmooyin kale oo katirsan Gobolada Baay iyo Jubada Dhaxe.

‘’ Waxaa la qorsheeyay in weerar Cir iyo dhul ah lagu qaado Magaalada Baraawe , Diinsoor iyo Bu’aale, Dagaalka waxaa nagu gacan siinaya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykana ah oo dagaalka uga qeyb qaadanaya Diyaarado Dagaal ‘’ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey.

Maxamed Xaaji Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamo Mareykan ah ay gacan kusiiyeen Dagaalada kasocda Qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose , waxa uuna intaa raaciyay in howlgalka la qorsheenayo uu yahay mid lagu ciribtirayo Xarakada Al-Shabaab.

Dowlada Mareykanka ayaa horey u sheegtay in gudaha Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo iyo Saraakiil tiro yar oo gacan siinaya Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowlada Mareykanka oo lagu cadeeyay in ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan Howlagalada hada kasocda qeybo kamid ah Dalka Soomaaliya.

Salaanmedia/Moqdisho