Boqor Buurmadow, Jamaal Cali Xuseen Xukuumada Ayuu Dhaliilay Ee Beel Waxba Kama Sheegin, Oo Cidii Xukuumada Siilaanyo Dhaliisha Beeshu Kalsoonida Waa Kala Noqonaysaa, Tii Qabyaalad Ahayd Alamtara Soo Dhaaftay:

Boqor Buurmadow, Jamaal Cali Xuseen Xukuumada Ayuu Dhaliilay Ee Beel Waxba Kama Sheegin, Oo Cidii Xukuumada Siilaanyo Dhaliisha Beeshu Kalsoonida Waa Kala Noqonaysaa, Tii Qabyaalad Ahayd Alamtara Soo Dhaaftay:

maqaal

Waxaan halkan ka dhaliilayaa kana canbaaraynayaa Boqor Buurmadow oo gaf iyo hadalo meel ka dhac ah u gaystay Musharaxa Madaxweyne ee Jamaal Cali Xuseen markuu uu ku eedeeyay in uu Beeshiisa Jamaal wax ka sheegay, hadalkaas oo ah been cad oo qaawan, run ahaantii waxii Jamaal ku hadlay waxa laga helayaa Tv-yada iyo Website-yada oo dhan, Jamaal wuxu ka hadlay arrintii 2 Sarkaal ee Qorilugud lagu dilay oo uu xukuumada ku eedeeyay in ay hawshaa si wanaagsan u maamulin, Madaxweynihii qarankana ka masuugay tacsidii 2 marxuun ee ciidanka qaranka Somaliland.

Boqor Buurmadow waxaan kuu sheegayaa Jamaal Cali Xuseen waa Siyaasi ka tirsan xisbiga UCID, Xaqbuu u leeyahay haduu arko wax baylah ah in uu Xukuumada ku dhaliilo, balse adigu waxa aad ku hadlaysaa waa qabyaalad qaawan iyo maxaa Xukuumada Siilaanyo loo dhaliilayaa weeye arrintaadu, Somalidu waxay tidhaahdaa Nin Aan Talin Jirin Marka Uu Taliyo, Waxa Taga Mid Tagi Jirin, waxad kala garan la dahay Qabyaladii iyo Dowladnimadii. Shalay bay ahayd markii aad Madaxweyne Siilaanyo caayaysay, iminkana waxa aad ku difaacaysaa waa qabyaalad iyo hunguri.

Waxaan xasuustaa Madaxweyne Siilaanyo markii uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa Sarkaal Ciidanka Somaliland ka tirsan oo ay isku beelyihiin ayaa waxa lagu dilay magaalada Laascaanood, ka dibna Siilaanyo in tuu shir jaraa’id qabtay ayuu Madaxweyne Daahir Riyaale ku dhaleeceeyay dilkaa sarkaalkaa ay isku beesha ahaayeen, taas miyaanad ogeyn boqor buurmadow, wixii aad shalay samaynayseen ma maantay idinla xumaatay.

Boqor Buurmadow, xagaa Bariga uunbaa Boqor lagaaga yaqaanaaye xagan Galbeedka waxaanu kuu naqaan budhcadkii afduubay Juu-juule, waxa tidhi Jamaal waanu kala noqonay kalsoonidii, waa arrin lagu qoslo, oo ninka xukuumada Siilaanyo dhaliilaa beeshiinu kalsoonida waa kala noqonaysaa, war marka horeba Jamaal kalsooni kaama doonayn ee raali noqo, waxa kale aad tidhi Jamaal cali xuseen godbadow buu ku dhacay hamigiisii, waxaan ku leeyahay Jamaal Cali Xuseen Hamigiisu maalinba maalinta ka danbaysa sare ayuu u sii kacayaa afkaaga waxa ku noqonmaayo.

Boqor Buurmadow, waxaan kuu sheegayaa adiga iyo Madaxweynahan Siilaanyo ee aad qabyaalada ku difaacaysaa in aad Dowlad nimadii Somaliland ku ceebowdeen, kala garanwaydeen Waxa Dowladnimadu tahay iyo reernimada, taas waxa kuu cadaynaya Jamaal Cali Xuseen oo Xukuumada Siilaanyo dhaliilay wadigan adigoo Boqor kii reerka ah u jawaabaya Jamaal, taasi waxay kuu cadaynaysaa badow dowladnimo ayaygaranayn gacanta ku dhigay oo aan fahansanayn waxa dawladnimadu tahay, war isku xishooda waxani taariikhday idin gali doontaa oo 100 sanno ee soo socda ayaa laydunku caayi doonaa ee wax la hadha.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaan ku leeyahay maxaad isaga difaaci wayday siyaasiyiinta xukuumadaada dhaliilaysa, mise iskama difaaci kartid oo waxa kaa difaacaya Boqorada reerkaaga ah, ma sidaasaad hogaamiye rugcadaaya ku tahay ninkaagan Salaadiinta beeshaada ku leh iga difaaca siyaasiyiinta mucaaradka ah, aad baan uga xumahay madaxweyne itaal darada siyaasadeed ee ku soo waajahday.

Mr. Abdulqadir Maxamed (Cukaashe)
UK

warfaa_101@hotmail.co.uk