Daawo Muqaal: Subxaanalaah Cunsuriyiin weeraray Masjidka Alle oo Mucjiso la kulmay dal Yurub ka mid ah…..


Koox cunsuriyiin ah ayaa Todobaadkii lasoo dhaafay mar kale weerar ku qaaday Masaajidka Alhouda ee ku yaala magaalada Flen. waxaana la burburiyay Albaabada masaajidka, iyadoo aan la ogeyn cidda ay ahaayeen cunsuriyiintaasi.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka tirsan xisbiyada ka jira waddankaan Sweden iyo dad badan oo shacab ah ayaa muujiyey sida ay ugu soo horjeedaan dadka dhibaatada wada ee neceb muslimiinta.

Dadkii masjidka yimid ayaa muujiyey jaceylka ay u qabaan dadka muslimiinta ah waxayna albaabkii muraayada ahaa ee la jabjabiyey ku xardheen warqado aad u qurux badan.

Masaajidka Al-houda ayaa horay u ahaan jiray goob kaniisad ah, iyadoo Muslimiinta ay iibsadeen sanadkii 2011 ka dibna ay u badaleen masaajid. Ma ahan markii ugu horeysay ee la weeraro Masaajidka.

Xigasho Warfaafiye.com