Isticmaalka Facebook oo lacag laga dhigi doono iyo dadka aan awoodin oo xal loo helay

facebook

Qofna ma fileynin in war sidaan oo kale ah uu soo yeerayo asbuucan,lakiin waxay u muuqataa in waqti badan bilaash ama lacag la,aan aysan sii ahaan doonin adeegyada uu bixiyo Facebook,oo ah goob bulshadeed ay kuwada xiriiraan malaayiin qof, kuwaas oo macmiil joogta ka ah adeegsigiisa.

Milkiilaha barta xiriirka dad-weynaha ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa maanta shir saxaafadeed uu ku qabtay gobolka California ee dalka Mareykanka waxaa uu kaga dhawaaqay in shirkadiisu aysan sii awoodin wadidda adeegyada lacag la,aaneed ee ay siiso bulshada ku taxan mareegta Facebook.

Mark Zuckerberg ayaa sheegay in macmiisha adeegsata Facebook ay si xowli ah u sii kordhayaan xilli waliba, kuwaas oo aan ka daalin xubin ka noqoshada shirkadiisa, isagoona sidookale carrabaabay in iyana ay sii kordheyso xayeysiimaha kala duwan ee ay ka helaan suuqyada caalamka ee wax iibiya.

Milkiilaha ayaa qeexay in qarashaadka kubaxaya shirkadoodu aysan ku filneyn dhaqaalaha hadda usoo xarooda,sidaas darteedna ay taasi keentay in khidmado yar oo lacag ah y ku xujeeyaan dadka doonaya inay isticmaalaan Mareegtoodan caan baxday.

Agaasimaha ayaa cabsi ballaadhan ka muujiyay in adeegga isticmaalka Facebook uu sii socon doono haddii aysan macmiisha bixinin lacagaha lagusoo rogay ee khidmada ah,maadaama sida uu sheegay inaysan heysanin maalgelin ay ku sii wadi karaan howlaha shirkadda oo dhan.

” kadib fikir dheer oo waliba adag waqtina qaatay,ugu dambeyntii maanta waxaan ku qasbanaanay inaan soo rogno kiro bileedkan ku aadan isticmaalka Facebook,haddii aanan go,aankan qaadanin hawada ayey ka bixi doontaa mareegtan mustaqbalka dhaw ” sidaas waxaa yiri Mark Zuckerberg

Agaasime Zuckerberg ayaa sidookale sheegay in tirada dadka u diiwaan geshan ee isticmaala Facebook ay yiihiin 1.317 adeegsadayaal,kuwaas oo isugu jira shakhsiyaad, shirkado ururo iyo waxii la mid ah.

” %75 (toddobaatan iyo shan boqolkiiba) dadka isticaamala facebook ayaa bilaabi doona inay bixiyaan lacagaha xubinnimada ah,taas oo bil kasta qiimaheedu yahay $2.99, markaas kadib waxaan heli doonaa sanadkiiba faa´ido gaadheysa $ 3 billion(saddax bilyan oo dollar) “Milkiilaha ayaa yidhi

Sidookale Paul Horner oo ah afhayeenka Facebook, ayaa isna sheegay inay jiri doonaan qaabab kale oo lagu bad-baadin doono dadka aan awoodin bixinta lacagaha ay dul dhigeen, si aysan u luminin macaamiil badan oo dhibaato ay kasoo gaari karto fikraddan cusub ee lacag soo rogidda ah.

“Inkastoo fikraddan iyo qorshahaan cusub ee lacag bixinta ah ay bilaaban doonto 1-da bisha Novermber ee soo aadan,haddana ma rabno in dad badan ay lumiyaan xubinnimadooda,maxaa yeelay ma awoodaan sidaas,oo ma bixin karaan lacag bileedka” afhayeenka ayaa sidaas sheegay.

Su’aasha ugu badan ayaa ah sidee loo maareyn doonaa dadka aan bixin karin lacagaha xubinnimada Facebook,haddaba jawaabtu waa fududahay sida uu sheegay afhayeenka.

Dadka aan awoodin lacagta billaha ah ama aysan macquulba u aheyn inay bixiyaan waxay qoraal soo dhigayaan Wall-ka Facebook ama goobta sida caadiga ah uu qof waliba kusoo qoro ra’yigiisa ee sida khaanadda u sameysan marka wax lagu qorayo,waxeyna soo dhiggayaan wall-ka farriin ah,Waxaan ahay shiid ama miskiin dan yar ah,fadlan haleyga cafiyo lacag billeedka Facebook.

Madaxda Facebook wali ma sheegin halka ama Akoonka lacagta loogu diri doono,balse waxay u badantahay inay dib kasoo sheegi doonaan,lamana oga waxa iska badali kara go,aankooda, iyadoo durbaba dad badan ay qeylo dhaaan xooggan ka muujinayaan ,si aad ah ugu soo horjeesteen arrintan.

Waxaa sidookale xusid mudan sida ay adeegan lacag bixinta ah ay ugu suuro geli karto dad badan oo aan isticmaalin adeegyada Bangiyada.

W Q Maxamed Cisman Xabiib
Sweden
Xabiib66@gmail.com

 

Salaanmedia/Moqdisho