Inaalilaahi Wanaalilaahi Raajicuun…Dr Cadilqaadir Aw Muuse Cabdraxman (Muruqliqe) Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Burco oo hadda Burco ku Geeriyooday.

Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Burco oo hadda Geeriyooday

tacsi

Burco-(SM)- Dr. Cabdi Qaadir Aw Muuse Muruq-liqe oo ahaa Agaasimahii guud ee Cisbitaalka Burco oo caawa Abaaro sagaalkii Fiidnimo ku geeriyooday cisbitaalka guud ee Burco.

Marxuunka oo maalmihii u dambeeyay xanuunsanaayey ayaa maanta lagu sameeyay Qaliin, Balse hadda geeriyooday.

 

Marxuumka ayaa ka mid ahaa dhakhaatiirta waa wayn ee Somaliland, isla markaana ka mid ahaa mujaahidiintii Ururka SNM ee dagalka hubaysan la galay dawladii Siyaad Barre.

Marxuunka waxa kale oo uu ka mid ahaa Aqoonyahanka kaalinta weyn ka soo qaatay nabadayntii beelaha gobolka Togdheer, sidoo kalena, ahaa Dhakhtar si weyn looga yaqaano guud ahaan dhulka Soomalidu degto. Waxa aanu Hadii Illahay yidhaahdo idiin soo gudbin doonaa tariikhdiisa iyo Qaybtii uu ka qaatay xoraynta Somaliland.Dhamaan Hawl wadeenadda Shabakadda Salaanmedia meelkasta oo ay joogaan waxaanu Tacsi u direynaa dhamaan,Caruurtii Xaaskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Waxaanuna marxuumka Illahay uga baryaynaa inuu naxariistii Jano ka Waraabiyo.

Salaanmedia/Burco

Â