ALLA, SIILAANYO BEENAALAYSANAA!

Asalamu calaykum

MAQAAL 
Waxaa la yidhi dadka laba nooc ayaa uugu liitoo, midi waa ciroole sinaystay midna waa boqor beenaale ah, labadabana inaan xaga ILaahay(SWT) laga jeclayn ayaa soo aroortay. Inta badana dadka qof calafdoon ah ayuun baa da`diisa ka been sheega sida odey aad minyaraysatid is leh iyo wixii la mid ah, markaasna qofkaas hungurigu ka hayo ayuun buu ku koobaa ee dhaqan kama dhigto, inagase nin dal dhan madaxweyne u ah oo rikoodhkiisu meel walba yaalo oo talaabaduu qaado iyo kelmeduu ku hadlaba la duubaayo lana qoraayo oo hadana been cad oo ciyaalku fahmayaan la shir yimi ayaa ina hor yaala taasoo weliba aan markii koowaad ahayn

Wixii aan caano iyo nabad ahaynba waa la kala qaadaa arday kasta iyo macalinkiisuna wuxuun bay iska shabahaan, Siilaanyana halkii Afweyne maray ayuu asna ku taagan yahay waxaana kuugu daliil ah shakhsiyadan labada taariko leh ee meesha maraysa

Afweyne Bare wuxuu ku dhashay Galaadi oo ku taala kililka Soomaalida ee Ethiopia taariikhdu markay ahayd 1900, ayadoo taas la wada ogsoon yahay ayuu hadana sheegan jiray oo buugaagta iyo saxaafadaba lagu qori jiray caruurtana iskuulada loogu dhigi jiray inuu 1919kii ku dhashay Garbahaaray oo gudaha Soomaaliya ku jirta! Siilaanyana 1936kii baan ku dhashay Yaley iyo 1942 ayaan ku dhashay Burco ayaa afar sano gudahood laga wada hayaa, waxaanu labadaas dhalasho ee kala duwan ku kala qaatay laba aqoonsi taas oo identity fraud ah waanu xidhmi lahaa haduu meel sharcigu ka shaqaynaayo joogo oo uu qof shacbi ah yahay haduu xil hayana qasab baa lagu casili lahaa

Waxaa la yidhi, beentu waxay kaa dhigtaa faajir, faajirnimaduna naarta ayay kugu duwdaa, runtuna waxay kaa dhigtaa samafale, samahuna janada ayuu ku geeyaa, waana xadiis saxeex ah, maahmaahduna waa tii ahayd, geela duqdiisii durdurisay aarankiisa maxaa ka iman kara.
Hadaba su`aashu waxa weeye maxaa madaxweynaha beenta intaas le`eg ee faashilka ah ku kalifay? Jawaabtuna waa uun akhlaaq xumo baahsan oo aan asaga oo keliya ku koobnayn balse inta hareero joogtaana la wadaagto. Madaxnimada marka laguu hagaajinaayo dad wanaagsan ayuu ILaahay(SWT) kugu xeeraa marka kalena waa bil caksi. Taaga waxay is leeyihiin xeeladaysta oo dadka cimri idinka maraaya u sheega si aa shan sano oo kale lufanka u sii leef leeftaan, waxse aanay talada kuba darin in tii hore faylasha ku jirto beentana aan lagu aflixin.

Ninkii Midhiq la odhan jiray ee beenawaaska Somalida ahaa ayaa yidhi, ` Wallee inaan nin iga shiishyahansani jirin! Ma ninkayga shalayto sakaarada falaadha ku ganay ee dhegtiyo raafka isugu qabtay` Kolkii la yidhi `Waar ninyoow naga daa bahashana` Muriidkiisii ayaa soo booday
waxaanu yidhi si uu sheekada macquul uuga dhigo `oo armay sakaaradu xoqanaysay` Waxaynu eegnaaba waa mufasiriintii beenta ee madaxtooyada fadhiday iyo casharkii todobaadkan. U malayn maayo in ragii `Wasiirka wusarada` qiilka u raadiyey tana u daahayaanee kkk

Waxaase aniga taasba igaga daran sida ay warqadii aqoonsiga ee qaranka iftitaaxa uuga xumeeyeen ee ay beenta uugu fureen. Waxaa la yidhi nin odey ah ayaa beri qof dumar ah oo aan sumcad wanaagsan lahaan jirin maalmo suuqa ku arki waayey, kolkaasuu dadkii ku yidhi, waar meel daran la geedii ILaahay(SWT) ma ina dhaafiyey intaanay hablaha wanaagsan inaga galaafan? Waar ninyoow heblaayada aad ka hadlaysaa Xajkaabay ku maqan tahay, ayaa lagu yidhi ninkii. Kolkaasuu xajka laftiisii u baqay, waxaanu yidhi `Waar adeer kuwii Makka joogay ayaabay inaga sahayan` Imika ….

 

Bashe Qulumbe, London