Wadan Fiican Ayaan Leenahay lakiin Hogaankaa Xun-baa Jira!:W/Q:A.Osman

AIbEiAIAAABDCJnso5_O4LmTeyILdmNhcmRfcGhvdG8qKDFjNzFhNjE1NWVhYWVlNzhhY2MyNDAyYzE0NDc5ZjIxYWIzMzIxNjEwAXGk2wl0GF0oincK26taAHfzxerA

Wadan Fiican Ayaan Leenahay lakiin Hogaankaa Xun-baa Jira
(We have a beautiful country but bad leadership)
(waa wiil yar oo rajadu ka luntay )
wadanka waxa ka taliya group aanay ummadani dooran oo wadanka qabsaday cidii la doortayna waxaaad moodaa inaanay warba u hayn waxa wadanka ka socda.
70% xukuumadani waa qurbo joog aan warba ka hayn xataa caasimada ay ku shaqeeyaan, qaar badan oo ka mid ahi magaalada waxay ka daganyihiin huteelo halka intooda badani ay ku jiraan guryo kiro ah oo fiilooyin ah intoooda badan carruurtoodii iyo xaasaskoodi wadanka ma joogaan. dhamaantood waxay wada sitaan (foreing passports) galabtii ama cawayskii hadaad booqoto hudheelad waaweyn waxaad arkaysaa iyaga oo ku raaxaysanaya kuna tasarufaya cashuurtii yarayd ee laga qaaday hooyada suuqa xabuubta ku iibisa, shaaha iyo sharaabka ay cabaan waxay masruufi lahayeen qoysas badan oo aan dabka shidan, waxa intaas kuu dheer askariga jiida hore joogaa waxa uu ku nool yahay duruuf aad u liidata, tusaale kooban ayaan idin siinayaa maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa igala soo hadlay gobolka sool nin aanu saaxiib nahay oo ka tirsan ciidanka jiida hore wuxuu igu wargaliyay in carruurtii uu dhalay oo 2 ahaa iskuulkii laga soo eryay wxay dhigtaan dugsida sare ardaygiiba waxa laga rabaa 50,000/sl/sh. ah
dhinaca kalena waxa uu ii sheegay in laydhkii guriga (jiingad uu xero dawladeed ka dhistay) laga goostay oo uu waliba ahaa laydhka dawlada, waxaan la hadlay mid kamid ah carruurtiisii waxa aan idhi soo doonta fiida iskuulka markii uu ii yimid waan waraystay waxaan weydiiyay da’diisa waxa uu iigu jawaabay waxaan ahay 19 jir dhigta fasalka 2aad ee dugsiga sare waxaana ka yar sida uu ii sheegay dhawr caruura oo inan ka mid ahi dhigto dugsiga sare inta kalena ay aadaan dugsiga hoose, makaan wiilkan yar waraystay waxa uu ii sheegay in uu doonayo inuu tahriibo maxaa kugu kalifay ayaan waydiiyay, hadaan dugsiga sare sidan ku dhamaysto jaamacad ma hawaysanayo wax kale oo aan qabtana ma garanayo aad ayay arintaasi u damqaysaa qof kasta oo damiir leh, waa wiil yar oo rajadu ka luntay.
taas badalkeeda aan idin siiyo tusaale kooban, waa agaasime waaxeed ama maareeye wakaaladeed oo ka tirsan xukuumada siilaanyo, waxa uu wataa gaadhi kala jiidan oo kuwa raaxada ah, hadaanu wali guri dhisan waxa uu ku jiraa guri feelo ah oo qaaliya, lacgta iyo shidaalka uu shaxaadka u bixyo lama soo koobi karo, waxa uu ku dadalayaa hadaanu haysan inuu helo Sharci uu ku dhoofo ama carruurtiisa ku dhoofiyo, marka uu hudheelada waaweyn fadhiyo waxaad moodaa nin maalqabeen ah.
waxaan hadalkayga ku soo khatimayaa waxaan leenahay wadan fiican lakiin hogaan xumaa jirta.