Abdirahman Abdilqaadir ilow shiiyo dhawaa oo raga nimo daranaa, qiimi hiisii ma lacag buu ku doorsaday Abdi Mustafe

MAQAAL
Ah iyo wah waar ninku qiima daranaa. ileyn Silaanyo ayaa Abdirahman Abdilqadir dadka ka yaqaan oo garanayay in siduu doono uu ka yeeli karo oo marna dhabarka ka jebin kara marna sida xoolaha soo xero gelin kara. Mise sixirkii madaxtooyada lagu sheegayay ayaa lagu taabtay ileyn caqliga ma gasho wixii la wada ogaa nin key soo kala mareen ayuun baan aayar la heshiiyey e. ilama aha in uu sidan ku fayow yay ee bal ha la hubsado. Abdirahman dad badan oo qoys kiisa ihina wey u baroorteen dad badan oo bulshada ka midina wey ka xumaayeen fool xumida lagula kacay hase yeeshee Abdirahman wuxuu noqday nin aan naftiisa qiimeyn oo Silaanyo siduu doono ka yeeli karo. Beryahan danbe oo dhan waa laga war qabay in madaxtooyadu lacag la wareegto ay rag fara badan oo ay ka baqaan ku baayaca yeen oo ay ka mid yihiin rag madasha kula jira Abdirahman laakiin nin waliba sharaftiisa ayuu dhowrtay oo wuu ku gacan seydhay ergadii lacagta wal-waaleysay. ilaa hada Abdirahman Abdilqaadir uun baa la hayaa nin lacagtaa qaatay oo qiimihiisii dhaafsaday bulshaduna waa ka markhaati. Abdirahman waa ku ceeb mahadha ah in Silaanyo oo lawada daawaday siduu dhabarka uuga jebiyey in uu maanta yidhaa waannu heshiinay. Waaba cad-ceed sii dhacaysa xukuumadani ee muxuu sharafta isaga qaaday. Silaanyo wuxuu ahaa ninkii yidhi shirkii Kulmiye iman maayo ilaa aa ka saar taan Abdirahman. Dabeed waatii wixii la ogaa ka gaadheen. Ninka aragiisa diiday ee uu sideed sanadood daba socday ee maal iyo xoog ba uu la garab taagnaa ee uu dhabarka uuga jabay isagoo madaarka Berbera ay ku soo dhaweynayeen si hawl yar baannu ku heshiinay caqliga saliimka ah ayaa diidaya. Hadaba waxba yaan ku dheeraan oo weligeed ba nin liitaa wuu jiri jiray ee hawsha halkii ha ka bilaabo oo sidiisii nafta Silaanyo ha ka jeclaado naftiisa dabeed na mar sadexaad dhabarka ha laga soo jebiyo. Abdirahman ha ogaado bulsho danbe oo aamini doonta iyo cid dhegeysan doontaa in aanay jireyn, waxaan se anigu shakhsi ahaan ku qanac sanay in aad sirxantay ee ha lagu dabiibo. Dear Abdirhman,  it is obvious you have done a deal with the hypocrites and the public saw your most negative side thus no one I mean no one will trust you any more.
If you trusted Silaanyo again then you can be criticized for overly being naive.