SIYAASADA GEESKA AFRIKA IYO CIDHIIDHIGA KUSOO WAJAHAN SOMALILAND

habiil

Runta dhabta ah ee kajirta siyaasada somaliland iyo xaqiidada siday uga fogtahay khatarta kusoo fool leh ee aan loo jeedin in wax laga qabto, xisbiga kulmiye oo sii burburaya iyo danaha shirkado gaar loo leeyahay oo la ilaaliyo, dagaal sokeeye oo goblada bari kasocda, shacbkii somaliland oo badidooda aan waxba haysanin nolasha oo aad qaali ugu ah shacbka caadiga ah inay kunooladaan magaalooyinka waaweyn,dhalinyaradii oo badaha kudhamaanaysa shaqo la’aan darteed, siyaasadii xisbiga kulmiye oo kadhamaan la’a isqabsi hoose iyo lacag boob,wax soo saar la’aan dalka kajirta, iyo maamul xuma baahsan oo musuqmaasuq kusalaysan iyo qabyaalad laysku shaqaalaysiiyo iyo dhalinyaro yurub looga yeedhayo si qabiil ahaan loo siiyo mashaariic dawladu bixinayso halka kuwii jaamacadaha dalka ku dhamaystay ay shaqo la’yihiin waxaas oo dhan oo somaliland kajijra iyo waxyaabo aan lasheegi karin oo kasii daran ayaa hadana waxaa somaliya kasocda siyaasad aad uga soo horjeeda danaha iyo jiritaanka somaliland oo ay wadaan siyaasiyiin muqdisho xilal muhiima kahaya kuwaasoo wacad kumaray inay burburiyaan somaliland iyo horjoogayaasha aan lasoo dooranin ee siyaasadaha geeska afrika kajira aan fahmi karaynin sida larabana aan udhigi karin ee talada madaxtooyada somaliland haya waa kaaf iyo kala dheeri,                    

Waxaa muqdisho isugu tagay dhamaan abaabulayaashii khaatumo kawaday inay ka aasaasan maamul ay kaga qadhaabtaan beesha caalamka odayaashii qabaailka bariga iyo haldoorkoodiiba waxay kala joogaan muqdisho iyo garoowe waxayna maleegayaan sidii ay uga faaidaysan lahaayeen dawlada la’aqoonsanyahay iyo dayaca kajira madaxtooyada somaliland oo rag miisaan culusi aanay siyaasada hagaynin odaygii madaxweynaha ahaana uu hawlgab yahay iyo muranka siyaasadeed ee joogtada ah ee dimuqraadiyada hargaysa kajirta leedahaya oo aan waligii dhamaan doonin, dayacnaantaas ayaa fursad qaaliaya siinaysa somaliland kuwa raba inay dumiyaan ee kasoo horjeeda jiritaanka maamulka somaliland.      

 Waxaa imika kasocda awoodhii siyaasada ee somaliya oo 2 reer gacanta ugu jira kuwaasoo labaduba kamidaysan duminta somaliland laakiin isqarinaya oo aan wali xoogaysanin maalintay fursad kuhelaana dhulka lajari doona kuwa uhaysta wadagadlada turkiga inay yihiin qaar soamliland wax loogu ogolyahay way riyoonayaan ilaa ay arkaa runtana wax laga dhaadhicin karo majirto, siyaasadaha awood qaybsiga somaliyana banaankaa laga dhigay dadkii somaliland ay wada dhasheen ee dirka aha dagaal siyaasadeed iyo mid milateriba ayaa lagu qaaday si loogu doodo waa argagaxiso, boosaskii sarsare ee dawladana dhammaantood waxaa kufadhiya 2 labada reereood ee somaliland lacolka ah ee aan ogolayn in qof dir ku aftirsadaba uu xilka saree ee madaxtooyada iyo raysalwasaare midna kanoqdo.

hadaba waxaa maanta jooga qofka garanwaaya waxa soo socdana magarto, dagaalka diblomaayida ee lagu hor joogsanayo somaliland ka ugu daran waa ka waraaqaha loo diro beesha caalamka ee lagu horjoogsanayo horumarka deegaanadaas iyo cilaaqaadka siyaasadeed ee ay layeealnayso caalamka ee tooska ah ninka taas kaa hortaagan wada hadakiisu macno badan kuma fadhiyo waxana tussale kuugu filan heshiiskii hawada ee ISTANBUL halka uu ku dambeeyey.     gabagabdii waxaan toos ula hadlayaa shacabka somaliland inay mustaqbalkooda kafakiraan inay dan ugu jirto go’doonka siyaasded ee lala damacsan yahay iyo godoonka dhaqaale ee somaliland imika kujirto oo halkii ugu xumayd maraya, iyo dhaqaale boobka shirkadaha gaarka looleeyahay ee bajadka dalka badh qaata iyadoo dano shakhsiyaad la’ eegayo dantii caamka ahayadna laduminayo, waxaan ugu baaqaya kuwa madaxtooyada maanta kujira ee kala garn la’ masuuliyada ay hayaan iyo hantida gaarka ah ee shakhsiyaadka leeyihiin maalinbaa iman doonta aad kaqoomamootaan waxaa samaynaysaan iyo dayacnaanta dadkii wax idinku aaminay ee baahi iyo burbur dhaqaale haysata alaha idin garansiiyo danta shacabkiina wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarkaatuhu.  

                                                                                 

 GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA                                                                                                          

PHOLOSOPHER:

HAABIIL ABDI HAYBE.